Qaabkan Ayey Askarta Mareykanka Ugu Hurdaan Labo Daqiiqo Oo Kaliya !

-

In La raadiyo hurdada waa mushkilad ay la dhibaatoonayaan dad badan, Askarta Mareykanka ayaana ka mid ah dadka ugu badan ee ka cawda arinkani, hase yeeshee diraasad dheer ka dib waxa ay keeneen qaab fudud oo Askariga ka dhigeyso in uu ku hurdo wax ka yar labo daqiiqo.

Xaqiiqonews.com-Wararka dibadda.

Waxaa la sheegay in tijaabadani ay guuleysatay 96% ka dib dhowr todabaad oo shaqo oo la tijaabinaayey, sababto ugu weyn ee arinkani qasabtayna waxa ay aheyd khaladaadka ay galaan duuliyaasha Mareykanka, oo qaati ka taagan hurdo la,aan fac weyn oo in muddo ahba ka taagneyd xeryaha Askarta.

Sababaha ugu badan ee keena soo jeedkan waa walwalka iyo cabsida joogtada ah ee askarta ay la noolyihiin, tiiyoo ay  dheertahay in ay isticmaalaan maadooyin yareeya hurada sida Kafee iyo Alcohols kuwaasi oo saameyn xun ku yeesha helitaanka hurdada.

Hadaba waa kanaa qaabka Ameerikaanka askatooda ugu tababaraan si ay u helaan hurdo deg deg ah.

 Tallaabooyinka

si fiican u sii nasasho buuxdo xubnaha wajiga la xariira, sida carabka, ciridka iyo  indhaha

hoos u raarici garbahaada ilaa inta ugu hooseysa ee suuragal ah.

Ka dib neefso neef dheer, hadiiba jirka aad ugu raaxeyso sidaa muddo 20 ilbiriqsi gudahood waxa aad awoodi doontaa in aad maskaxdaada ka tirtirto fikir oo dhan.

3 muuqaal

Sida ku qoran buugga loo qeybiyey askarta, waxaa jira seddex muuqaal oo kugu caawinaya in aad deg deg u hesho hurdo.

Tan koowaad: ka soo qaad (niyadda ku sawirro muuqaal) sida  in aad joogto meel haro ah oo degan, isla markaana muuqaalka kaliya aad arkeysaa uu yahay muuqaalka buluuga ah ee cirka.

Tan labaad: ka soo qaad sida adiga oo ku dhax jira hog fiiican oo daboolaya jirkaada oo dhan, islamarkaana iska yeel sida in aad ku dhax hurdeyso qol madow oo xiran.

Tan Seddexaad: ku celceli erayadan “ha fikirin.. ha fikrin…ha fikirin..” muddo labaatan ilbiriqsi ah si caqligaada u aqbalo.

Qorshaha qoraaga Lloyd Winter oo ah ninka qoray buuggan  “Nasashada iyo Guusha(“Relaxation and Victory) ayaa ah mid kaa caawin kara inaad seexato 120 daqiiqo oo keliya,  waana hab aad qarsoodi u ah oo askarta loogu tala galay.

Wararka U Dambeeyey

Muxuu Xasan Shiikh Usoo Dhaweeyey Ciidanka Mareykanka?

Maalin ka dib markii Xasan Shiikh loo dhaariyey madaxweynenimada, Biden ayaa oodda ka qaaday go'aan sii qorsheysnaa oo ciidanka...

Shiinahaha Oo Digniin Bixiyey “Mareykanka Waddo Qaldan Ayuu Ku Socdaa”

Yang Jiechi oo ah diblomaasi sare oo ka tirsan wasaaradda arimaha dibadda ee Shiinaha ayaa sheegay in dalkiisa...

Maxay Mareykanka Ka Qabtaan Soomaaliya Inta U Dhaxeysa Soo Galis Iyo Sii Bixid?

XAQIIQO NEWS- WAR IYO DHAMMAANTIIS WARKA:Joe Biden ayaa saxiisay go'aan ciidamo Mareykan ah dib loogu celinaayo Soomaaliya, mana ahan markii...

Hindiya..Shimbirihii Oo Kuleyl Dartiis Dhulka Ku Soo Daadanaya!

Galbeedka Hindiya, abaar darran iyo kuleyl hanfi leh oo halkaasi ka jiray muddadii 3-dii bil ee ugu dambeysay darteed...

Guusha X S N M X M D

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa loo doortay madaxweynaha Soomaaliya doorasha ka dhacday teendhada Afisyooni ee magaalada...

Cilmi Baaris..Dhimashada Ka Dib Ishu 5 Saac Ayey Wax Sii Arki Kartaa!

Baaris lagu sameeyey indhaha dad dhintay oo horay xubnahooda ugu deeqay in cilmi baaris lagu sameeyo ayaa waxaa lagu...