Qaabkan Fudud Ayaad Uga Guuleysan Kartaa Cabsi Iyo Walwal Dhan..Isku day

La Wadaag Asxaabtaada

Cabsida waa dareen aad u xoog badan kaasi oo saameyn xun ku yeelan kara Maskaxdeena iyo jirkeenuba.


Xaqiiqonews-Isbar-Horumarinta nafta

Cabsida waa Xaqiiq dhamaanteen ayaa wadaagna, muhiim ma ahan qofka aad tahay cabsida waa qeyb ka mid ah “bani’aadnimada” laakin waxa aan ku kala duwanahay ayaa ah sidee baan u maamulnaa cabsideena?

Hadii aad halkani u timid in aad wax ka badasho qaabka aad ula dhaqanto ‘Cabsida” waad saxantahay, mowduucani waxa aan ku lafa guri doonaa cabsida iyo sida looga hartago ama ugu yaraan loo maamulo..

1-Ogow Waxa Ku Cabsi Geliya

raadi sababta aad uga cabsato waxani, ka soo qaad waxa aad ka mid tahay dadka ka cabsada in bulshada ku dhax hadlaan, raadi sababata aad u cabsaneyso, falanqeyn dhab ah oo aad la yeelato maskaxdaada waxa ay kugu caawin kartaa in aad xididka u jarta wixii aad ka cabsan jirtay.

2-Cabsida Waajah

Beri baa nin dambiile ahaa la soo qabtay, waxaa loo geeyey boqorka si loo ciqaabo, boqorkii waxa uu u soo bandhigay laba ciqaab in uu mid doorto, in xariga qoorta looga xiro oo la daldalo ama in uu qaato wax albaabka ka dambeeya.

Dabcan dambiilihii waxa uu doortay in xarig qoorta loo suro laakin inta aan xariga lagu sii deyn ayuu weydiiyey boqorkii “boqorow si gaar ah iigu sheeg maxaa ka dambeeya”

Sidoo Kale AqriSidee Iskaga Joojin Kartaa “Waji Ka Naxa?..Baro qaab fudud

Boqorkii ayaa qoslay oo ku yiri “dadka oo dhan labada ciqaab ayaan u soo bandhigaa waxayse doortaan in xariga qoorto loo suro” ninkii dambiilaha ayaa yiri “Laakiin maxaa albaabka ka dambeey?

Boqorki ayaa yiri “Albaabka waxa ka dambeeya waxaa laga wadaa cafis in qofka xoriyadiisa la siiyo oo albaabka uu ka dago”.

Dulucda sheekadu waxa ay tahay “Dadka waxa ay ka cabsadaan in ay wajahaan waxa aysan aqoonin” inta badana waxaa dhacda in waxyaabaha aan ka cabsano ayba noqdaan wax faa’ido inoo leh”.

Ma ahan arin fudud, laakin waa qodob dhaxalgal, in aad waajahdo wixii aad ka cabsan jirtay waxa ay badali kartaa qaabka maskaxdaada u fahansaneyd, hadii aan ku sii socon tusaalaha koowaad isku day in aad marwalbo ka dhaxhadasho kulamada, xitaa hadii marka hore dhidid badan uu kaa yimaado cabsi darteed, ku celi marar badan ilaa ugu dambeyntii cabsidaada ay isku badasho caado.

FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA
La Wadaag Asxaabtaada