Hadii aad isku aragtay caalamadahan ama qaar ka mid ah, Dhuun xanuun, lafa jajab, qandho daran, qunfac qalalan, iyo neef qabatin oo ka mid ah calaamadaha caronavirus,waxaa la joogaa waqtigii aad isku diyaarin laheyd in aad ka adkaato xanuunkan covid-19.
Xaqiiqonews-caafimaadka
inta aanan gudaha u galin habka ugu fudud ee aad uga takhalusi karto xanuunka covid-19, iga hubi in aad horay u fulisay dardaaranada ugu badan ee dhaqaatiirta, kuwaasi oo ay ka mid yihiin.
- sigaar ha cabain
- cunto caafimaad leh cun (cunto isku dheeli tiran)
- biyo badan cab
- si joogto jimicsi u sameey
- hurdo fiican oo kugu filan qaado
- iska yareey waxyaabaha keena istareeska
Cuntooyinka sunta la dagaalama (anti-oxidants food)
Xirfadlayaasha caafimaadka ayaa aaminsan in cuntooyinka sunta la dagaalama ay ka mid yihiin tuunta iyo basasha, cuntooyinkan noocan ah ayaa qani ku ah fitimiinada kala duwan ee C,B iyo E., kuwaasi oo kor u qaada difaaca jirka abani’aadamka.
Biyaha badan iyo covid-19
Xaaladaha ugu horeeya ama waxa afka qalaad lagu yiraahdo “Stage 1”, waxa uu fayruska bilaabaa in uu daga sanqada iyo hawa-mareenada.
Qofka oo biya badan cabaa inta cudurka uu joogo hawa-mareenada dhaw, waxa ay ka saacidi kartaa in fayruska uusan u gudbin sambabada.
Xaaladaha ugu adag ee Covid-19
dhaqaatiirta ayaa aaminsan in dadka ugu badan ee qaba karoona aysan u baahneyn in ay aadaan isbitaal, waxaana bugaanada lagula taliyaa in aay qaataan talooyinka caafimaad iyaga oo guriyahooda jooga.
“marka uu qofka dareemo neef qabatin saa’id ah, waa calaamad muhiim ah in qofkaasi isbitaal u baahan yahay” sida ay aaminsanyihiin dhaqaatiirta.
badanaa neef qabtinka waxa uu dhacaa 5, 8 ama 10 maalin ee ugu horeysa, waana calamaad ka mid ah kuwa uu caanka ku yahay Karoona fayrus, hase ahaate waxaa jira mar calaamadani digniin u tahay in aad xaaladaada la socodsiiso dhaqaatiirta ku shaqul leh cudurkan.
qofka oo aan awood u laheyn in uu ku dhawaaqo jumlad dhameys tiran islamarkaana sameynaya neef qabatin badan, waxaa la joogaa waqtigii qofkaasi uu la xariiri lahaa qolyaha daryeelka caafimaadka.