Qaabkani Ayaad Uga Hortagi Kartaa “Cimri deg dega Bititiga” ee Taleefoonada “Android”

La Wadaag Asxaabtaada

Waxaa si weyn isku badalay qaabka farsamada Taleefonada sanadihii ugu dambeeyey, Bitiriga ayaana ka mid ah waxyaabaha uu saameeyey isbadalka.


Xaqiiqonews-Tiknoolaji

Cimriga bitiriga waxa aan ula jeednaa Imisa Sano/bilood ayuu bitirikaada sii jiri doona ka hor inta uusan u baahin in aad badasho.

-Fahan qaabka uu u shaqeeyo “hoos u dhaca bitiiriga”

Bitirigaada waxaa ku dhacaya hoos u dhac yar mar walbo oo uu u buuxsamo hal wareeg oo “Jaajareyn ah” taasi waxa ay tahay hadii talefoonkaada aad jaajaresyo isaga oo taagan 50% ilaa aad gaarsiiso 100% waxaa hoos u dhacay kala bar hal wareeg oo jaajareyn ah.

Si kale hadii aad jaajreyso teleefoonkaada oo ah 0% ilaa uu gaaro 100%, waxaa ku yimid taleefoonkaada hoos u dhaca hal wareeg jaajareyn oo dhameystiran

Shirkadaha Sameeya Bitiriga waxa ay sheekeen in 400 oo Wareeg jaajareyn ka dib uu ku yimaado Bitirigaada hoos u dhac dhan 20%. taasi macnaheeda waxa ay tahay hadii aad jaajareyso taleefoonkaada 2000 oo mar waxaa uu bitirigaada u baahan yahay in aad badasho.

Hadda waxa aad u baahan tahay in aad ogaato “Hadii aad yaren karto inta mar ee aad jaajreyso bitirgaada- waxa aad kor u qaadi kartaa nolasha Bitiriga ama Cimriga bitiriga.

Sidoo kale Aqriso: Maa-ku-fikirtay-in-canugaad-aad-taleefoon-u-gato-ka-joog-hal-sabab-darteed!

Qeybta hoose waxa aan idinku soo gudbineynaa qaabab talefoonkaada ka ilaalin kara in aad si deg deg ah ugu baahato jaajareyn, taasii oo dhanka kale sii dheereyneysa cimriga guud ee bitirgaada.

1-Hoos u dhig IFtiinka Shaashadda

Shaashadaha Taleefonada loo yaqaan “Smartphones” waa wax ugu badan ee isticmaala dabka ugu badan ee Bitiriga, sidaa darteed in aad yareyso iftiinka shaashadda waxa ay kaa caawin kartaa in uusan kaa lumin dab badan.

Waxaa xusid in taleefonada ku shaqeeya “Android” iyo kuwa ku shaqeeya “iOS” ay ku siinayaa doorasho ah in aad iska yareyn karto xaddiga iftiinka shaashadda.

2-Iska yareey Watiga Shaashadda ay shidan tahay(Screen Time-out)

Mar walbo oo aad isticmaalka ka joojiso taleefoonkaada si is-keed ah ayey isku damin doontaa shaashadda, sida caadiga taleefoonada waxaa ay ku qaadataa in ay ku damaan 2-5 daqiiqo taasi oo ah waqti aadan u baahneyn.

waxaa kugu filan in aad doorato in shaashadaada ay is-damiso 30 ilbiriqsi walbo ,tani waxa ay ka qeyb qaadaneysa dheereynta noolasha dabka.

3-Isticmaal shaashadda Madow.(dark Themes)

Isticmaalka Shaashadaha Madow ee Dabka wa mid “aad u yar” sidaa darteed in aad talefoonkaada ka dhigto mid madow waxa ay ku sii jiheyn kartaa dheerenta Cimirga Bitirgaada.

4- Iska tirtir Ablikeeshinada Isticmaala dabka badan.

Ablikeeshinada Isticmaala dabka badan waxaa tusaale fiican u ah “Facebook Light” iyo Messenger” .

Marka si daacadnimo ah loo hadlo, ablikeshinada dabka badan isticmaala waa kuwa ugu badan ee aad adiga isticmaasha, sidaa darteed in aad iska tirtirto ama in aad iska yareyso waa mid adiga kuu gaar ah.

5- La soco Xaaladda Bitirigaada

Waxaa jira Ablikeeshino aad ka heli karo “Google Play” kuwaasi oo kaa saacidaya in aad la socoto Xaaladda Bitirigaada waxaana ka mid ah ”
AccuBattery ” iyo Greenify

FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA
La Wadaag Asxaabtaada