Qaabkii Fahad Oo Kale..Farmaajo Ma Loo Diidi Doonaa Shahaadada Musharraxnimo?

-


XAQIIQO NEWS- WARA IYO DHAMMAANTIIS

WARKA: Aroornimadii khamiistii tagtay xubnaha baarlamaanka 11,aad ayaa lagu dhaariyey teendhada Afisyooni, waxaana hoolka dhaarinta ka maqnaa kuraas ku dhaw labaatan oo uu ku jiro kursiga Fahad Yaasiin oo ay hagiyeen guddiga hergelinta doorashooyinka heer federaal ee magacooda loo soo gaabiyo FEIT.

DHAMMAADKIISA: Fahad Yaasiin oo mar lagu tilmaami jiray qofka ugu awoodda badan dowladii waqtigeeda dhammaaday, hadda waxa uu leeyahay hal riyo oo ah in loo aqoonsado xubin barlmaanka ka mid ah taasi oo hadii ay u rumowdo uu noqonaaayo nin nasiib leh.

Dadka qaar ayaa aaminsan in kursiga Fahad Yaasiin loo xiray dacwadda Kiiska Ikraan Tahliil,hase yeeshee Cabdi Salaan Guuleed oo soo nqoday agaaimo ku xigeenka NISA waxa uu ku doodayaa in kursiga Fahad Yaasiin loo xiray “sababo siyaasadeed” isaga oo tusaale u soo qaatay Eedeysanayaal ku lug leh kiiska Ikraan Tahliil balse la fasaxay kuraastooda sida Kulane jiis iyo Yaasiin Fareey.

Sawirka Ra’iisal wasaare Rooble Oo La Fadhiya Yaasiin Fareey Oo ka Mid Ah Saraakiisha Lagu Eedeeyey dilka Ikraan Tahliil

Maanta waxa aan arkeynaa waxa ku dhacay Fahad, la yaabna ma leh birri in ay ku dhici doonto Farmaajo. Labadan nin ayaa 5-tii sano ee ay dalka xakumayeen maalgeliyey siyaasadda awood sheegashada oo maanta iyagii ay dhibbane u yihiin.

Wararka U Dambeeyey

Yurub Oo Koronto La’aan Iyo Biyo La’aan Ka Cabaneysa!

XAQIIQO NEWS- WAR IYO DHAMMAANTIIS WARKA: Xilli dagaalka Yukrayn uu afar bil jirsaday, todobaadkan Putin waxaa uu jaray tubadii ugu...

Dameerkii Ugu Cod Qurxan Ayaa Guuleysanaya!

Magaalada San Andeero ee dalka Kolombiya sanad walba waxaa lagu qabtaa tartan cajiib ah oo u gaar ah "dabaaldagga...

Hadii Aad Ku Hurudo Qol Iftiin Leh..Iska Jir Halistan Caafimaad

Albaabada iska xir, daaqadaha soo laab ka hor inta aadan isku tuurin firaashka waa talada ay bixineyso daraasad cusub...

Ikhwaanu Muslimiin Arooskooda Eeyaa La Qalaa

Waxaan ku jirnaa maalmaha "Hilba waradka(ayaamu tashriiq) ee ciida weyn ee muslimiinta, aniga oo niyadda ku haaya fadliga maalmahaas...

Daawo..Mareykanka Dabaaldagii Xoriyadda Oo Toogasho Ka Bilaabatay

Muuqaalka baraha bulshada la soo dhigay waxaa lagu arkayaa dad kala cararaya meel ay ka socotay dabaaldaga maalinta xoriyadda...

Hormuud Oo Webseetyada Turkiga Xanibtay..Waa Tan Sababta

Bankiga dhexe ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in bankiyo caalami ah xarun ka furanayaan Soomaaliya, waxaana ugu weyn bankiga...