Qaar ka tirsan xildhibnaada iyo galoha wasiirada oo ceeb la kulmay intii ay xukunka haayeen#maxey tahay ceebta

La Wadaag Asxaabtaada

Dowladda fedaraalka soomaliya aya lagu xantaa in inta ugu badan dadka masuuliyinta u ah in aysan aheyn kuwa u qalma jagada maxey yeelay qabiil ayaa keensaday meesha cid aan qabiilka aheyn jagada kama qaadi karto
Hadaba shabakadda madaxbanaan ee xaqiiqonew ayaa diwaangelisay qaar ka mid ah dhacdooyinkii ugu cajiibka badnaa halkan hoose ka aqriso dhacdoyin dhab ah oo la diwaangeliyey
Bishii maarso sanadkii 2015 mid ka mid ah xildhibaanada watigooda sii dhamaanaya aya la kulmay dhacdadan ka dib markii uu baabuurkiisa dhigtay meel baakin ah(parking) waxaa uu galay xildhibaankan hotel uu ka daganaa magaalo ku taalo ingiiriska markii uu ka soo baxay hoygiisa oo uu rabay in uu baxo ayu damcay in baabuurkiisa sii wato laakin maxaa dhacay ma taqaan! Waxaa uu garan waayey taarkada baabuurkiisa maxaa yeelay waxaa uu baabuurkiisa ku aqoonsan jiray midabkiisa(colour) laakin maalintaas midabka baabuurka waxaa badalay baraf badan oo magaalada ka socday baabuur badana oo baabuurkiisa u egna meesha ayey yaaleen sidaa darteed waxa uu jeebka ka soo bixiyey warqad uu ku qoranyahay macluumaadka baabuurkiisa sida taarkada nooca buubuurka waxa uuna u dhiibay caseeya
Caseeyihii ayaana barfaka ka tirtiray oo xildhibaankii baabuurkiisa tusiyey waa kaas xildhibaankii dawlodda oo aqoontiisa ay halkaas dhigtay waxaa sidaas xaqiiqonews u soo gudbiyey goob joogayaal ingiiriiska joogo
Bishii Janaayo 2013 mid ka mid ah golaha wasiiradsa ayaa fashilmay waxa arinta sii xumaaneyaa marka aad ogaato in wasiirkan fashilmay uu yahay wasiirka gaashaandhigga oo la dooonaya in uu mas,uul ka noqdo difaac dal dhan sheekadan oo ah mid xiiso badan ayaa ah markii golonyo baabuur oo ciidamada Amisom leedahay uu arkay wasiirkan wasiirkan oo aad ula amagaagsan arimahan ileen waligiis hub culus ma uusan arkine ayaa yiri isagoo iska dhigaya xariif”baaburkan gaashaaman waa mid casri ah” cajiib baabuurka uu ku leeyahay waa mid gaashaaman ma ahan sidaas ee waa booyad tuuteesan oo biyaha loogu geydiyo milatariga laakin waa aqoondarida heesata wasiirka soomaaliya u qaabilsan gaashaandhiga hadiiba uusan kala saari karin baabuur gaashaaman iyo booyad biyo sheekadan waxaa xaqiiqonews u sheegay ila ku dhaw dhaw wasiirka xliga dhacdadan ay dhaceysay .
Bilowga sanadkii la soo dhaafay wafdi ka socday wasaaradda arimaha dibadda soomaaliya shirna ugu qeyb galaayey Nigeria ayaa ka baaqday kulankii madasha iyadoo idaacadda Nigeria ay sii tabisay in wafdigii soomaaliya ay baaqdeen sababa aan la aqoon darteed balse markii loogu tagay hotelkii ay daganaayeen ayaa arinta la yaabka noqotay waxa ay aheyd in dhamaan xubanaha ugu muhiimsanaa wafdiga ay ahaayeen kuwa daroogeysan oo ka dhargay sidii ay u cabayeen qamro taas oo keentay in guud ahaan shirkaasi soomaaliya sidaas oga baaqato.

FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA
La Wadaag Asxaabtaada