Qaar kamid Murashixiinta madaxtinimo hirshaballe oo dowlada ilaalo iyo gawaari siiyey iyo eedeyn loo jeedinayo(sir)

La Wadaag Asxaabtaada

Musharax Maxamed Cabdi Waare oo kamid ah musharixiinta xilka Madaxweynaha maamul goboleedka Hirshabelle ayaa sheegay in qaar ka mid ah musharixiinta Hirshabelle ay ciidamo dowlada ilaaliyaan, wasiiro ka mid ah dowladana ay gaadiidkooda isticmaalaan.

Dood ay ka qeybgaleen qaar kamid ah musharaxiinta dowlad goboleedka Hirshabelle oo taleefishinka SomaliCable laga daawanayay ayuu Musharax Maxamed Cabdi Waare waxa uu ka digey in beesha caalamka ay wax u qaban weydo dowlad goboleedka Hirshabelle haddii sharciga iyo qaanuunka lagu xadgudbo:

“Beesha caalamka waa u jeedaa waxa dhacaya hadhow waxaa la leeyahay beesha caalamka maxay noo caawin weyday haddii sharciyada laga leexdo qaanuunka dowligana laga leexdo sidee naloo caawinayaa.”ayuu is weydiiyay Musharax Waare.

Sidoo kale Musharax Maxamed Cabdi Waare ayaa sheegay in qaar kamid ah musharaxiinta ay si gaar ah dowlada u caawinayso isagoo tusaale u soo qaatay in ciidamada dowlada ay ilaaliyaan isla markaan gaadiid ay leeyihiin wasiiro ka tirsan golaha wasiirada dowlada federalka ay isticmaalaan musharaxiintaas oo uu diiday inuu magacaabo.

Maxamed Cabdi Waare oo sanadkii hore ahaa musharixii loo saadaalinayay in uu ku guuleysan doono tartanka doorashada madaxtinimada Hirshabelle ayaa ka mid ah hadda musharaxiinta ugu cad-cad ee u taagan doorashada Madaxweynaha Hirshabelle.

Kulan uu maanta la yeeshay ururada haweenka Hirshabelle ayuu Musharax Maxamed Cabdi Waare ka sheegay in uu ku dadaali doono sidii hooyada iyo dhallaanka ay u heli lahaayeen adeegyo caafimaad oo lacag la’aan ah isla markaana doorka haweenka ay ku leeyihiin maamulka uu tixgelin doono.

FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA
La Wadaag Asxaabtaada