Qadar Oo Ka Niyad Jabsan Sida Mareykanka Uga Aamusanyahay Dalabkeedii Beeca Diyaaraha

-

Sida ay daabacday majaladda “Wall Street Journal” ee Ameerikaanka ah dowladda yar ee gacan carbeed dhacda Qadar ayaa ka walaacsan jawaab la’aanta Mareykanka ee ku aadanaa dalabkooda ahaa iibsahada diyaaradaha darooniska Mareykanka.


XAQIIQONEWS- WARARKA DIBADDA

Wargeyska ayaa xusay in Qadar ay Mareykanka ku gacan siisay ajandayaashiisa bariga dhexe hadii ay noqon laheyd daadgureynta kumanaankii qof ee Afghanistaan, sidoo kale Qadar ayaa taageertay ajnadaha la dagalaanka waxa loogu yeero argagaxisada, sidaas oo ay tahay dowladda Qadar ayaa ka niyad jabsan sida maamulka Biden uu uga gaabiyey fulinta codsigooda ku saabsanaa beeca diyaaraha dorooniska casriga ah.

Sida uu Wargeyska Xusay Qadar ayaa sanad ka hor dalbtay 4 ka mid ah darooniska hubka culus xambaara ee  MQ-9B Predator, Hase ahaatee wasaaradda arimaha dibadda Mareykanka wax jawaab ah kama bixinin codsigaaas

Qadar ayaa sababta ay diyaaradahaas casriga ah udooneyso ku sharxday baahi-sida ay sheegeen- ay u qabaan kormeerka goobaha lagu keydiyo gaaska dabiiciga ah si looga hortago dhaqdhaqaaqyada argagixiso.

Sida uu qoray Wall Street, heshiiska cusub ayaa ku kacay qiimo dhan 600 Milyan oo doolarka Mareykanka ah.

Qadar oo sanadka soo socda ee 2022 lafilaayo in ay martigeliso goobka adduunka ayaa sida ay aaminsan yihiin khubarada amniga waxa ay walwal ka qabtaa falal argigixiso, taasi oo dowladdani yar ku qasbeysa in ay qaadato tallaabooyin dheeri ah oo lagu xoojinaayo amniga.

Wararka U Dambeeyey

Calaamado Soo Muuqan Kara Bil Ka Hor Wadno Xanuunka

Dr. Satir Zhijian, oo ah dhaqtar wadanaha ayaa tilmaamay in calool xanuunka iyo dhabar xanuunka ay noqon karaan calaamado...

Xarun Sayniska Iyo Tiknoolajiyadda U Gaar Ah Oo Muqdisho Lagu Dhagax Dhigay

Jaamacadda SIMAD oo caan ku aheyd aqoonta ganacsiga iyo xisaabaadka ayaa dhawaan daah furtay xarun cusub oo u gaar...

Xog..Jabuuti Oo Soo Bandhigtay Darooniska Bayrakhtaar TB2

Bandhig milatari oo Jabuuti ugu dabaal dageysay sanad guurradii 45aad ee ka soo wareegtay markii ay xornimada ka qaateen...

Nin Xaaskiiska U Dilay Maxaad Gabar Uurka Ugu Sidaa !

Arin argagax leh ayaa laga soo sheegay Masar, nin inta xaaskiisa dilay ka dibna meydkeeda gubay kuna aasay meel...

Xasan Iyo Xamze: Maxay Qaban Karaan Maxaase Dhici Karin?

WARKA: Barlamaanka Soomaaliya ayaa maanta codka kalsoonida siiyey si aqlabiyad buuxda ah RW cusub Xamza Cabdi Barre, haddaba su'aasha...

Jeesow Oo Sheegay In Qabiil Noqon Doonta Hadii La Isku Tuurtuura Dilka Ikraan Tahliil

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow ayaa si carro leh uga hadlay arinta Ikraan Tahliil, waxaa uuna ku celiyey in Ikraan...