Ardaydan oo dhawaan dhameeysay jaamacad ayaa soo bandhigay hal-abuurkan cusub ee hal ku dhigga looga dhigay “Indhoolayaasha bulshada ayey qeyb ka yihiin”.
XAQIIQO NEWS- TIKNOOLAJI
Ushani cusub ayaa adeegsaneysa tiknoolajiyada Arduwiino(Arduino), waxaana lagu borogaraamiyey erayo Soomaali ah kuwaasi oo qofka aragga la’ ka caawinaayo in uu ogaado fogaanta ay u jiraan waxyaabaha, islamarkaana siineysa tilmaamo ku saabsan go’aanka ugu fiican ee uu qaadan karo.
“Mashruucani waxaan u sameynay baahi jirta darteed” ayey tiri Xaliimo Cabdi Kariin Xasan oo ka mid aheyd ardayda jaamacadda Jamhuuriya ee mashruucan soo bandhigay.
Sidoo Kale Aqri..Soomaaliya Oo Dhinacan Kaga Hoeumartay Afrikada Kale
Xaliimo ayaa intaasi ku dartay “Dadka aragga la’ ayaan ka caawineynaa in ay bulshada qeyb ka noqdaan”.
Sida uu sheegay mid ka mid ah xariiriyaasha barnaamijka ushani ayaa ku qalabeysan 3 dareemayaal oo kala duwan, mid ka mid ah dareemayaasha waxa uu ogaanaya fogaanta u dhaxeysa qofka iyo walaxda, halka dareemayaasha kalane ay qofka siinayaan tilmaamayaal.