Qarixii Nashville ..Trump Miyuu Go’aansaday Inuu America Dab qabadsiiyo?

-

Galabnimadii Jimcada Qaraxii loo adeegsaday baabuurka ee ka dhacay magaalada Nashville ee ka tirsan gobolka Tennessee Mareykanka, suurtagalnimada baabuuro kale oo noocaasi ah oo magaalada ku jira iyo tuhunka booliska ee ah in falka uu ahaa “ula kac” waxa ay midabbo hor u leh u yeeleysaa dooddii doorashooyinka iyo dimuqaraadiyadda Mareykanka.


XAQIIQO NEWS- WAR IYO DHAMMAANTIIS

Warka: Xilli Magaalooyin waaweyn ee Mareykanka looga dabaal dagaayo ciidda Kirismaska (christmas), Qarax baabuur loo adeegsaday ayaa 25-ka bishan ka dhacay magaalada Nashville ee Mareykanka.

Dhammaadkiisa: Maamulaha baaritaanada federaalka Andrew McCabe oo la hadlay shabakadda CNN ayaa sheegay in qaraxa uu ka dhashay bam weyn, isaga oo sheegay in hadafka uu ahaa booliska marka la arko qaabka qaraxa u dhacay, waxa uuna qarax u tilmaamay “weerar argigixiso”.

Waxaa muuqda in qaraxan uu ka soo dhax baxay riximka xaaladda kala shaki iyo cabsi ee ka dhax aloosan Mareykanka, gaar ahaan waxaa farta eedda lagu fiiqay xagjiriinta midigta fog.

Warbaahinta Mareykanka waxa ay horay Trump ugu eedeeyeen in uu rabo olole “hubeysan” kuwaasi oo maalgelintiisa ay leeyihiin kooxaha aaminsan sarreynta “midibka cad”, sida uu horay u sheegay wariyaha Ameerikaanka Thomas Friedman.

Kooxaha hubeysan ee Mareykanka waxaa ka mid ah : “Proud Boys, Boogaloo movement, Ku Klux Klan iyo NeoNazis. kooxahan ayaa aTrump u arka in uu yahay hogaamiyaha iyaga u hadla islamarkaana ajandahooda fuliya, sidaa darteed difaacistiisa waxa au arkaan mas’uuliyad iyaga saaran waxa ayna isku dayayaan in ay iska indha tiraan natiijada doorashada iyaga oo Trump ku qalqaalinaya in uu sii joogo aqalka gar iyo gar darraba.

Trump ayaa albaabka ka furay kooxahan oo hadda qaab cusub uga howlgala Mareykanka dad badan ayaa u arka in uusan Trump albaabkaasi dib u xiri karin, sida caddeymaha ka muuqata Trump waxa uu dab qabadsiinayaa Mareykanka.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!

Wararka U Dambeeyey

Muuqaal..Maxay Rakaabkan Diyaaradda U Riixayaan?

Muuqaal ka mid ah kuwa ugu cajiibsan, dalka Nepal waxaa baraha bulshada lagu baahiyey diyaarad ay rakaabka dabada ka...

Hadii Aad Aragto Riyooyinkan..Dhaqso Dhaqtar U Tag

Khubarro ka tirsan xarunta "Sleep cycle center" ee fadhigeedu yahay gobolka Teksas ee Mareykanka ayaa sheegay in riyada ay...

Dilka Shacabka Oo Lagu Tartamaayo!

Rasaasta ciidanka Df-ka ayaa dishay 3 qof oo shacab ah gudaha magaalada Muqdisho, halka gantaal hoobiye ah oo ...

Imisa Qof Oo Soomaali Ah Ayaa Hub Heysta?

Hubka saxda ee gacanta uga jira muwaadiniinta Soomaaliya waa mid aan la aqoon, hase ahaate warbixin lagu qoray webseetka...

Internetka Aduunka Oo Halis Ugu Jira In Uu Joogsado Sababtan Darteed

Saynisyahanada ayaa ka digaya cillad guud oo ku timaado internetka aduunka iyaga oo sababtuna ku qeexaya nidaamka cadceedda oo...

Mooska Miyuu Noqon Karaa Halis Caafimaad!

Labo saynisyahan oo ka tirsan jaamacadda Beihang University Jian Saotian iyo Liao Jie,ayaa shaaca ka qaaday halis caafimaad oo...