Qeybta 1aad: Wareysi Xiiso badan ninkii Sameey Diyaaradii drone-ka ahaa soomaaliya

La Wadaag Asxaabtaada

Injineer Cabdiraxman sida aad ku daawateen muuqaaladii hore waa injineerkii ku guuleystay in uu sameeyo Diyaarad yar oo drone ah Gudaha soomaaliya .

sida aad ku aqristeen, warbixinadii hore cabdiraxamaan ayaa naga ogaaladay in aan la yeelano wareysi ku saabsan waxa iyo qalabka ay ka sameysantahay diyaaradiis, sida uu ugu guuleystay, caqabadihii uu kala kulmay, waxa uu hadda hiigsanaayo iyo macluumaad intaasi ka badan oo cabdiraxmaan uu nala wadaagay.

Xaqiiqonews oo ilaalineysay mas,uuliyadda ka saaran amaanka iyo nabadgalyada cabdiraxmaan waxa aan dooranay in wareysiga muuqaalka ah aan la faafin ilaa waqtigeeda la gaaro iyadoo badalkeeda si ay aqristayaasha daneeynaya arimahan ay u helaan macluumaad waxaan qoraal u badalnay wareysigii oo dhan iyadoo waxba aan laga tagin.

hadaba wareysiga oo dheer iyo anaga oo aan waxba ka badalin hadalada darteed waxaan go,aansanay in aan u qeybino ilaa 3-qeybood oo si faafaahsan u lafa guri doono min bilow ilaa dhamaada sheekadani xiisaha badan.
halkan ka daawo muuqaal gooban diyaarada oo biibeysa

halkan hoose ka aqriso Wareysiga Injineerka aan la yeelanay Qeybtii koowaad

Wariyaha: marka hore cabdiraxmaan ku soo dhawoow webkeena hhh(wariyaha waa uu qoslay) xaqiiqonews haye bal noo sheeg magacaaga iyo goobta aad ku dhalatay?

Cabdiraxmaan(oo dhoola cadeynaya): waa mahadsantahay kaabo magaceygu waaba taqaanaa in aad i weydiiso ma aheyn ee adiga ayaaba laga rabay in aad dadka la wadaagto(wariyaha ayaa soo dhaxgalay hadalka:maya wan ku aqaanaa lkn adiga ayaa laga rabaa in aad dadka is barto) dhibmalahan waxaana ku dhashay baladweyne.

Wariyaha: bal noo sharax maxey ka sameysantahay diyaaradaada yar ee aan daawanay sideesa ku heshay qalabka ay ka sameysantahay?

cabdiraxman: diyaarada waxa ay ka sameysantahay frame body(oo aan ka soo qaaday goobaha finijeerada lagu gado) iyo afar matoor oo aan ka soo bixiyey baabuurta caruurta yar ku ciyaaraan sidoo kale remote-ka isla baabuurada ayaan ka soo qaatay mirwaxadaha waa palstig lkn waxan ka soo furtay diyaaradaha caruurta ku ciyaaraan oo halowday intaasi oo aan si taxadar leh u xiray una fiirsday ayey ka sameysantahay diyaarada wax ayna igu qaaday muddo 7 bilood ah in aan kiciyo diyaarada si guul leh xitaa aniga oo qalabka aan sameynin lkn meelo kala duwan ka soo kala qaaday.

Wariyaha: Wan fahmay yaa kaa caawiyey in aad qalabkan si taxadar leh isugu xerto intii aad howhsa wadayna maxaa caqabad ah oo aad kala kulantay.

Cabdiraxman: Qof iga caawiyey ma jiro………….yow(magaca wariyaha ayuu sheegay) lkn Youtube-ka waa saaxibkeyga howshan iga caawiyey iyo fahameykeyga xagga luuqadda ayaan dhihi karaa kuwaasi ayaa wax badan i caawiyey.

dhanka kale marka la dhaho caqabad waad dareemi kartaa soomaaaliya oo qalabkii aad u baahataba aadan heli karin balse waxaa iigu cajiibsaneed ma taqaanaa markii aan rabay in sameeyo Motoorka diyaaradda aniga ii gaar ah(waa matoor diyaarad cusub oo bilaha soo socoto aan idin tusi doono) ayaa waxaan raadiyey macluumaad ku saabsan waxa uu Moror-ka ka sameysanyahay waxaan ogaaday si seddex shey matoor-ka ka gooban yahay oo kala ah(1-magnet”bir qabato” 2-copper wire(fiilo maar) 3- iyo bettery) hadaba si aan u sameeyo waxaan raadiyey copper wire waxaan tagay dugaan electronic lagu gado asigoo haayo aan u jeedo ayuu i dhahahy ma haayo sababtu maxaa waaye ma taqaan copper wire looma yaqaan soomaaliya waxaa loo yaqaanaa (fiilo maar) lkn aniga internet-ka aan wax ka baranaayey waxan ku bartay Copper wire marka waxaan ogaaday in lagama maarmaan tahay in aan la sheegeysto dadka(makaaninkada ah) si aan ugu barto erey bixinada qaar waxaa kale oo……………..

halkaasi ayaan ku egeyneynaa qeybta koowaad si aqriska aanu ugu daalin aqristaha ,fadlan la soco qeybta 2 aad oo dhawaan aan soo daabci doono insha alaaah.

FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA
Like
Like Love Haha Wow Sad Angry
La Wadaag Asxaabtaada