Qeybtii 2aad:Wareysiga Ninkii Drone-ka Ku sameeyey gudaha soomaaliya(aqriso xoga cusub)

-

Halkan riix si aad u aqriso qeytii 1aad ee wareysiga

Waxaa qeybta koowaad aad ku soo aqrisateen cabdiraxmaan oo ka sheegeyey caqabadihii ugu badnaa ee uu kala kulmo howshan sameynt ah waxaana qeybta labaad wareysiga aan ku bilaaweynaa dhameytirka jawaabtii cabdiraxmaan ee su,aashi aheyd( intii aad howhsa wadayna maxaa caqabad ah oo aad kala kulantay?.)
Cabdiraxmaan…..waxaa kale oo ila yaab badnaa soomaalida gaar ahaan dadka igu hareereysan waxa ay ku leeyhiin muxuu ku ciyaaraa wiilkani iwm .

runtii caqabadahaasi ayaa ugu badan waxaa intaasi dheer oo aan kaa hilmaamay qalabka intiisa badan soomaaliya ma laga helo sidaa darteed waxaan ku qasbanaa in aan raadiyo waxa badali karo oo soomaaliya laga heli karo sababtoo ah waxa i xadidaya ayaa ah in aan joogo dal aysan shacbiyad laheyn aaladaha noocaan ah tusaale hadii aad u baahato in aad farmashi sameyso ama qalab lab aad wax ku baarto waxaa fudud in aad hesho dad howsha kaga horeeyey balse majaalkan diyaaradaha qofna helimeysid.

Wariyaha: cabdiraxmanow waa maxay drone bal sharax naga sii horta waxaan maqalnaa drone ayaa duqeyn dad ku dishay iwm sidaa darteed drone maxaa la dhahaa adigase drone-ta aad sameysay ma wax ayaa lagu dili karaa?

Cabdiraxmaan: hhhh(waa uu qoslay) wlh saaxibow drone waa erey lagu magacaabo shay kasta oo ah waxa biiba isla markaana aan laheyn magac gaar ah(Unnamed aerial vehicles) waxaana inta badan ereyga drone loo isticmaala kuwa militeriga gaar ahaan militeriga mareekanka ayaa ah kuwa ugu isticmaalka badan 2001 ilaa 2004 mareekanka ayaa ahaa dowladda kaliya ee drone u isticmaasha howlo dagaal balse maaanta dunida meelo badan ayaa laga isticmaala si gooban waxaa loo qeybin karaa drone-ka marka loo fiiriyo isticmaalkiisa labo qeybood oo kala ah

Weaponize drone: oo nooca hubka ku xiranyahay oo inta badan caan ka ah soomaaliya waxaana maqalnaa in ay yihiin kuwa beegsada dadka diidan danaha mareekanka ee soomaaliya ku sugan iyo qeyb kale oo ah nooca aan hubka ku xireneen iyagana waxaa loo yaqaanaa

(Unweaponize drone) waxaana kuwani inta badan loo isticmaala sawirada xagga cirka iyo in lagu xiro kaamirooyinka waxa jaajuusa .

hase ahaatee marka laga fiiriyo dhanka nooca ay u biibto drone-ta waxaa loo qeybiyaa ilaa labo qeybood oo kala ah

Fixed wing drone: oo ah nooca drone ee leh hal mirwaxad ha muuqato ama ha qarsoonaanto waxaana kuwani inta badan ay yihiin kuwa waqtiga ugu dheer biibi kara waana kuwa inta badan loo isticmaalo goobaha dagaalka(millitery operations) sirta biibitaankooda waqtiga dheer ah waxaa ay noqoneysaa mirwaxada oo ah hal xabo , nooca labaad ayaa ah

(Mulitrotator Wings) kuwa mirwaxado badan leh waana kuwa waqtiga biibistooda uu gaabanyahay waxeyna ku xiran tahay imisa mirwaxadood ayaa ku xiran drone-ta waxaana iyagana ugu caansan: Helicopter(ha marwaxadleyda),  twincopter ama Biocopter (labo mirwaxdleyda)    Tricopter(seddex mirwaxadleyda) Qaudcopter(afar mirwaxadleyda) Hexocopter(lix mirwaxadleyda) Octocopter (sideed mirwaxadleyda) marka aniga marka aan u imaado nooca aan hadda sameeyey marka la fiiriyo nooca biibisteeda waa Quadcopter(afarta mirwaxdleyda) oo aah nooc sahlan gaar ahaan biibista madaama ay isticmaaleyso afar mirwaxd oo iska soo horjeeda dhanka kalase marka la fiiriyo isticmaalkeeda waa Unweaponized-drone mana loo isticmaali karo (millatary operations) xagga biibisteeda oo gaaban sababtoo ah mirwaxadaheeda ayaa badan

Wariyaha: mahadsanid cabrixamn hadii aan ku weydiiyo maxey tahay faa,idada aad heleysid hadii aad sameyso muxuu yahay sababta waqtiga badan aad howlahan ugu bixineysid

cabdiraxmaan:wlh waa su,aal muhiim lkn faa,idada marka la dhaho qofba waxa uu faa,ido u arko ayaa kala duwan lkn aniga ka cabdiraxman ahaan faa,idada wey ii muuqataa mana ka hordhacaaayo waa qorsho diyaarsan intaasi ayaan kaga jawaabayaa su,aashaasi.

Wariyaha: soomaalida waa dad nolashooda bilow tahay maxaa ugu boodeysaa drone aaway waxyaabihii kale sida baabuurta maa ka soo bilowdid?

cabdiraxman: kaabo waa sax laakin soomaalida aniga oo kaliya ma ahan sidaa darteed majaalkaasi qof kale ayaan rajeynayaa in uu buuxiyo marka qof dhinac ayuu ku fiicanyahay naftiisana jeceshahay marka injineeradeena kale ayaan ka filaneynaa in aay majaalkaasi banaan ee baabuurada buuxiyaan waana u baahanahay in la helo baabuuro soomaaliya lagu sameeyo.

Wariyaha: muxuu yahay farqiga u dhaxeeya baabuuraha iyo diyaaradda?

Cabiraxaman: waa su,aal fiican aniga hadii aan si dhab ah u fiiriyo farqiga ma jiro kala duwanaasho badan waa laba aalad oo isku qalab balse midna dhulka isticmaaleyso midna hawada labadanuna waxaa dhaqaajiya waa hal matoor waana matoor loo yaqaano(Dc motor) balse farqiga wxuu yahay baabuurta lugaha ayuu kaga xiranyahay matoorka si markii matoorka wareegto lugaha u wareegtaan halkaasina waxaa ka dhasha socodka baabuurka halka diyaaradana markii uu Dc matoorka wareegto ay wareeganeyso mirwaxada taasi oo ah sababta diyaarada ay dhulka ugu kacdo waxaa kale oo muhiim ah in………………………

fadlan la soco qeybta seddexaad ee wareysiga ahna qeybtii ugu dambeysay oo iyadana dhawaan aan soo daabici doono isha alaah.

Wararka U Dambeeyey

Yurub Oo Koronto La’aan Iyo Biyo La’aan Ka Cabaneysa!

XAQIIQO NEWS- WAR IYO DHAMMAANTIIS WARKA: Xilli dagaalka Yukrayn uu afar bil jirsaday, todobaadkan Putin waxaa uu jaray tubadii ugu...

Dameerkii Ugu Cod Qurxan Ayaa Guuleysanaya!

Magaalada San Andeero ee dalka Kolombiya sanad walba waxaa lagu qabtaa tartan cajiib ah oo u gaar ah "dabaaldagga...

Hadii Aad Ku Hurudo Qol Iftiin Leh..Iska Jir Halistan Caafimaad

Albaabada iska xir, daaqadaha soo laab ka hor inta aadan isku tuurin firaashka waa talada ay bixineyso daraasad cusub...

Ikhwaanu Muslimiin Arooskooda Eeyaa La Qalaa

Waxaan ku jirnaa maalmaha "Hilba waradka(ayaamu tashriiq) ee ciida weyn ee muslimiinta, aniga oo niyadda ku haaya fadliga maalmahaas...

Daawo..Mareykanka Dabaaldagii Xoriyadda Oo Toogasho Ka Bilaabatay

Muuqaalka baraha bulshada la soo dhigay waxaa lagu arkayaa dad kala cararaya meel ay ka socotay dabaaldaga maalinta xoriyadda...

Hormuud Oo Webseetyada Turkiga Xanibtay..Waa Tan Sababta

Bankiga dhexe ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in bankiyo caalami ah xarun ka furanayaan Soomaaliya, waxaana ugu weyn bankiga...