Qeybtii Seddexaad Wareysiga Wiilkii Drone-ka Ku Sameeyey Somalia”Kaliya Remote-ka ayaan dibadda…..”

-

Qeybtii labaad waxaa ay inoo joogtay cabdiraxmaan oo ka jawaabaya su,aasha aheyd” muxuu yahay farqiga u dhaxeeya baabuuraha iyo diyaaradda?

halkan riix si aad u aqriso Wareysiga qeytii 1aad ee wareysiga

halkan riix si aad u aqriso Wareysiga qeytii 2aad ee wareysigan doono.

Cabdiraxmaan… waxaa kale oo muhiim ah in la ogaado baabuurta iyo diyaaradaha in ay yihiin isku qalab marka laga reebo meelo yar oo ay ku kala duwan yihiin .

Wariyaha: cabdiraxmanow ka soo qaad qofka soomaaliya joogo sidee ayuu ku sameyn karaa diyaarad muxuuse soomaaliya ka heli karin oo uu dibadda ugu baahanyahay?

Cabdirxaman: Wlh aniga ka shaqsi ahaan waan aaminsanahay in qof soomaaliya joogo uu sameyn karo diyaarad iyada oo laga soo bilaabaayo Eber(qalabka oo dhan in aad mi waliba gacantaada ku sameysata)lkn waa howl culus waxeyn taa u baahantahay Energy badan, samir badan  iyo gacmaha oo wasaqooba iyo waqti badan oo aad howshaasi geliso

Wariyaha: haye adiga oo kale ka soo qaad diyaaradaada sidee u sameysay qalabka xagee ka heshay ma adigaa sameystay mise dibadda ayaad ka keentay?

cabdiraxmaan: waa su,aal fiican aniga ma diyaaradeyda muuqaalka aad ku daawateen mise tan hadda horteyda taal wey kala duwanyihiin tusaale ahaan diyaaradii iigu horeysay waxaan isticmaalay qalab dibadda ah tusaale matoorada, mirwaxadaha, Remote-ka ka dibna dhamaantood ayaan isku xerxeray waxaan u sameeyey Boddy frame aan ka sameeeyey qalab fudud oo guryaha laga heli karo.

balse diyaaradii labaad aan sameeyo oo aan wali soo bandhigin wey ka duwan tahay tii hore hadda waxaan aniga gacanteyda ku sameystay matoorka, mirwaxadaha iyo body fareyma kaliya dibadda waxaan ka soo iibsday remote- controlka lkn asiga xitaa waxaan jecelahay ee aan dhawaan sameeyo balse waa uu ka yara culus yahay kuwii hore sidaa darteed wali howl ayaa iiga socoto arintaa.

Wariyaha: ma jeceshay in aad aqoontooda si lacag la,aan ah aad ugu faa,ideyso qof kasta oo daneynaya mise maxaa qorsho ah oo dhankaasi kaga aadan?

Cabdiraxmaan: haa waliba haa si fiican dadka mashruucan daneynaya waan u faa,ideynayaa inta garaankeyga lkn aniga aqoonta ugu badan ma lihi balse intii aan fahansanahay waan la wadaagayaa dadka waliba waxaan bilaabi doonaa in sameeyo page facebook dadka arimahaasi jecel ay igala socon doonaan dhan kale qorshaha aan wado waa uu badanyahay waxaa ka mid ah in aan hal hal u sameeyo muuqaalo tusaale ahaan hal maalin waxaan muuqaal ka soo duubeynaa qaabkee ayaa loo sameeyaa matoorka diyaradda, maalin kale sidee loo sameeyaa mirwaxada, maalin kale sidee loo sameeyaa body frame waxaana dadka aan ku leeyahy horay u socda wan sameynaa karnaa wax walbo.

Halkaasi ayuu ku dhan yahay Wareysigii Cabdriaxaman aan kala yeelanay Iqtiraaciisa Cusub.

Wararka U Dambeeyey

Yurub Oo Koronto La’aan Iyo Biyo La’aan Ka Cabaneysa!

XAQIIQO NEWS- WAR IYO DHAMMAANTIIS WARKA: Xilli dagaalka Yukrayn uu afar bil jirsaday, todobaadkan Putin waxaa uu jaray tubadii ugu...

Dameerkii Ugu Cod Qurxan Ayaa Guuleysanaya!

Magaalada San Andeero ee dalka Kolombiya sanad walba waxaa lagu qabtaa tartan cajiib ah oo u gaar ah "dabaaldagga...

Hadii Aad Ku Hurudo Qol Iftiin Leh..Iska Jir Halistan Caafimaad

Albaabada iska xir, daaqadaha soo laab ka hor inta aadan isku tuurin firaashka waa talada ay bixineyso daraasad cusub...

Ikhwaanu Muslimiin Arooskooda Eeyaa La Qalaa

Waxaan ku jirnaa maalmaha "Hilba waradka(ayaamu tashriiq) ee ciida weyn ee muslimiinta, aniga oo niyadda ku haaya fadliga maalmahaas...

Daawo..Mareykanka Dabaaldagii Xoriyadda Oo Toogasho Ka Bilaabatay

Muuqaalka baraha bulshada la soo dhigay waxaa lagu arkayaa dad kala cararaya meel ay ka socotay dabaaldaga maalinta xoriyadda...

Hormuud Oo Webseetyada Turkiga Xanibtay..Waa Tan Sababta

Bankiga dhexe ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in bankiyo caalami ah xarun ka furanayaan Soomaaliya, waxaana ugu weyn bankiga...