“Qiso Jaceyl” Waxaa Ka Qeyb Qaatay Diyaaradda Dagaalka ee F16

-

Sarkaal ka tirsan Ciidanka Cirka Mareykanka ayaa waxaa hareeyey”Fedeexad” Sarkaalkan ayaa taabacsan ciidanka Ilaalada qaranka ee gobolka Vermont, dalka Mareykanka.

Xaqiiqonews.com-Wararka Dibadda

Sanadkii 2015-kii Thomas Jackman waxaa lagu qasbay in uu is casilo,  ka dib markii uu isticmaalay diyaarad dagaal oo nooceedu yahay “F16” isagoo diyaaradda ku aaday Washington, waxaa uuna ku marmarsiyooday  in uu ka qeyb galaayo Kulan Shaqo, balse waxaa dib laga odaagay in uu kulanka ahaa “Balan Jaceyl”.

Sida lagu qoray Website-ka Warbaahinta Fox News, Jackman ayaa waxa uu fariimo jaceyl la wadaagay qof aan la aqoonsan,  haweeneydaasi oo laba bil ka soo shaqeysay wasaaradda difaaca Mareykanka.

Jackman Waa 55 jir ka soo shaqeeyey guutada 158 ciidanka Cirka ee Gobolka Vermont ee dalka Mareykanka, ninkani ayaa isticmaalay diyaarad dagaal oo ah F16 isagoo ku safray masaafo dhan 800 km, waxa uuna  ka soo kicitamay magaalada  Burlington ee gobolka Vermont, waxaa uuna ku tagay xarunta ciidanka Cirka ee Andrews Air Base oo ku dhaw Washington DC, halkaasi oo uu kula balamay saaxibtiis.

Markii Laga warhelay dhacdada, waxaa lagu qasbay in uu dib u soo laabta isagoo soo raacaya diyaarad rayid ah, ka dibna xilka ayaalaga qaaday, ninkani ayaa hadda ka shaqeeya xarunta boostada ee gobolka Vermont.

Sida la wada ogyahay halkii mar ay duusha diyaaradda F16, waxa ku baxaya qarash dhan 8 kun oo dollar, hase yeeshee ma cadda in Jackman uu bixiyey lacagta  ku baxday “Safarka Jaceyl”.

Wararka U Dambeeyey

Yurub Oo Koronto La’aan Iyo Biyo La’aan Ka Cabaneysa!

XAQIIQO NEWS- WAR IYO DHAMMAANTIIS WARKA: Xilli dagaalka Yukrayn uu afar bil jirsaday, todobaadkan Putin waxaa uu jaray tubadii ugu...

Dameerkii Ugu Cod Qurxan Ayaa Guuleysanaya!

Magaalada San Andeero ee dalka Kolombiya sanad walba waxaa lagu qabtaa tartan cajiib ah oo u gaar ah "dabaaldagga...

Hadii Aad Ku Hurudo Qol Iftiin Leh..Iska Jir Halistan Caafimaad

Albaabada iska xir, daaqadaha soo laab ka hor inta aadan isku tuurin firaashka waa talada ay bixineyso daraasad cusub...

Ikhwaanu Muslimiin Arooskooda Eeyaa La Qalaa

Waxaan ku jirnaa maalmaha "Hilba waradka(ayaamu tashriiq) ee ciida weyn ee muslimiinta, aniga oo niyadda ku haaya fadliga maalmahaas...

Daawo..Mareykanka Dabaaldagii Xoriyadda Oo Toogasho Ka Bilaabatay

Muuqaalka baraha bulshada la soo dhigay waxaa lagu arkayaa dad kala cararaya meel ay ka socotay dabaaldaga maalinta xoriyadda...

Hormuud Oo Webseetyada Turkiga Xanibtay..Waa Tan Sababta

Bankiga dhexe ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in bankiyo caalami ah xarun ka furanayaan Soomaaliya, waxaana ugu weyn bankiga...