Qaraabada gabar masaari ah ayaa helay meydka gabadhooda oo dhax yaala qolka ninkeeda.
gabdhani oo lagu magacaabo Imaan ayaa waxaa meydkeeda la helay 60 maalin markii uu ka soo wareegay aqalkeeda ka dib markii uu guursaday nin ay deris ahaayeen.
sheekada oo faafaahsan ayaa waxa ay tahay in Iman ay ku soo laabatay gurikooda iyada oo ka soo xanaaqday ninkeed balse ehelkeeda ayaa ku qanciyey in ay laabato.
gabar la dhalatay Iman oo la hadashay saxaafadda ayaa sheegtay in Iman ay aheyd qof qosol badan oo noolasha ku faraxsan waxeyna meesha ka saartay wax ku qasbi karo in ay is disho.
“lixdan maalin ayaa ka soo wareegtay guurkeeda haa wey ka sheegan jirtay ninkeed markii ugu danbeysayna guriga ayey imaatay iyada oo xanaaqsan laakin hooyo ayaa ku tiri iska fur ninkan hadii aadan awoodin la noolaashahiisa balse wey diiday iyadoo ku adgeysatay in ay jeceshahy ninkeeda” ayey tiri Imaan walsheeda ka weyn.
Walaaasha hadashay ayaa sheegtay in ay ka shakisantahay in Dilka walaasheed ay ka danbeeyaan ninka qaraabadiisa balse dhaqtar ayaa sheegay in aysan jirin wax cadeynaya in qof ku lug leeyahay dilka madaama jirka meydka uusan ka muuqan wax iska caabin ah in uu sameeyey.
Qiso Murug Badan: Gabar laga helay meydkeeda Guurigii ninkeeda Lixdan maalin Ka dib guurkeeda
-