Laba gabdhood oo reer Nigeria ah ayaa lagu dilay Sucuudi Carabiya ka dib markii lagu ciqaabay jirdil , labadan gabdhood ayaa shaqaale ka soo ahaa dalkaas muddo aad u badan.
Xaqiiqonews.com-Wararka Dibadda.
Sida Xaqiiqonews ay ka soo tarjuntay “Seattle Times Nigeria”gabdhahan ayaa si sharci darro ah ku soo galay Sacuudi Carabiya, halkaas oo ay ku dhinteen laba toddobaad ka dib markii la jirdilay, waxaana dilka gacantooda ku fuliyey labo nin oo sacuudiyaan ahaa oo la shaqeeyneyey.
gabadha rer Nigeria Omotoyo, waa la jirdlay ka hor inta aysan ku dhiman Riydh.
Gabartii ugu horeysay ee Nigerian ah ee la dilo waa Omutayo, oo aheyd shaqaale guri oo ku nool Riyadh kahor geerideeda bishii Juun 2018.
Omotayo ayaa sawirkeeda la wadaagtay asxaabteeda oo ay ku wada sheekeysan jireen qolka wata magaca ah ‘Haweenka xooggan ee Nigerian‘, waxaaana qolka abuuray koox gabdho Nigerian ah oo adeegto ahaan ugu shaqeysta Sacuudiga.
Safaaradda Nigeria ee Riyadh ayaa waligeed ka jawaab celin wicitaanada telefoonka ama farriimaha qoraalka ah ee ay soo diraan dadka muhaajiriinta ah ee reer Nigeria markii ay dhibaatooyin kala kulmaan dalalka Gacanka Carabta.
Omutayo waxaa loo diley ka dib dalab ay u gudbisay “Badrioonikeeda” iyadoo ka dalbatay lacago mushaaraad seddex bilood ah oo aysan helin.iyadoo diiday marmarsiiyo walbo iyo cudur-daar walbo, sababtoo ah baahi xooggan ayey u qabtay lacagta.
Ma jiro Qof si dhab ah kaga sheekeyn kara wixii ku dhacay “Omotoyo” intaa ka dib,maxaa yeelay maalmo un yar ka dib wey dhimatay.
Shula Isbitaalka ayey Ku dhimtay ka dib garaacis Ay la kulantay.
Dhibanaha labaad waa gabar lagu magacaabo “Shula” waxayna adeegta guri ka aheyd Sacuudiga, dhowr mar ayaa waxaa garaacay ninkii ay u shaqeyneysay, oo caadeystay in uusan wax cunto ah siinin gabadhan, waxey noqotay caato, jirkeedana baa,ba badan ayaa soo garay.
Seattle Times ayaa sheegtay in dhacdada ah geerida “shula” ay timid ka dib garaacis xoog leh oo uu ku sameeyey ninka ay u shaqeyneysay.
Gabdhaha afrikaanta oo Somaliduna ka mid tahay ee u shaqa doonta Wadamada Carabta sida, Sacuudiga, Kuweyt, iyo Baxreyn ayaa la kulmo tacadiyo isuga jira, kufsi, garaacis iyo jiridil iyo waliba mishaaraadkooda oo la duufsiiyo,
Urarka ITUC-Africa, ayaa soo saaray dhawaan walaac ku aadan mustaqbalka xun ee ay wajahayaan, 2.2 milyan oo gabdhood oo booyaaso ka ah wadamada Carabta.