Qiso Xanuun badan: Nin seddex Qarax ku dhaawacmay kuna Geeriyooday kii Zoobe(faafaahin)

-

Mid ka mid ah dhacdooyinkii ugu cajiibka badnaa ee soo gaara warqabadka xaqiiqonews ayaa aheyd dhacdo xanuun badan oo ku dhacday nin magaciisa lagu soo goobay “gacameey” oo ka mid noqday dadkii ku geeriyooday qaraxii Zoobe.

Gacamey ma ahan magaciisa dhabta Isxaaq ayaa horay loogu yeeri jiray balse waxaa magaciisa badalay qaraxii degedda oo uu ku waayey gacanta kaliya ee u harsaneed iyadoo xusid ay mudantahay in ninkani uu horay u waayey mid ka mid ah gacmihiisa qaraxii Hargaha iyo saamaha.

Isxaaq waxaa uu markii ugu horreysay ku dhaawacmay Qaraxii hargaha iyo saamaha waxa uuna lumiyey gacantiisa bidix muddo ka dib isxaaq ayaa hadaneh dhibane u noqday qaraxii deggada gacantii kale ayaa raacday halkaasina waxaa lumay magaciisii Isxaaq iyadoo dadka ay ugu yeeri jireen “Gacameey” balse sidaasi nolashiisa kuma badbaadin waxaa uu 14-ka bishan ka mid noqday dadkii waxyeelada ay ka soo gaartay dhacdadii zoobe waxaana isaxaaq eheladiisa ay aaseen iyadoo ay ka horreysay in la aasay labadiisa gacmood.

Isxaaq ma ahan ninka kaliya ee ku wax yeeloobay Zoobe ee waxaa isxaaq dad kale uu kaga duwaana in dhacdadani ay aheyd tii seddexaad ee saameysa noolashiisa waxaa uuna isxaaq markani seddexaad uu dhibane u yahay qarax galaaftay nolasha boqolaal soomaali ah iyadoo aysan jirin cid sheegatay mas,uuliyadda qaraxaasi.

Wararka U Dambeeyey

Muuqaal..Maxay Rakaabkan Diyaaradda U Riixayaan?

Muuqaal ka mid ah kuwa ugu cajiibsan, dalka Nepal waxaa baraha bulshada lagu baahiyey diyaarad ay rakaabka dabada ka...

Hadii Aad Aragto Riyooyinkan..Dhaqso Dhaqtar U Tag

Khubarro ka tirsan xarunta "Sleep cycle center" ee fadhigeedu yahay gobolka Teksas ee Mareykanka ayaa sheegay in riyada ay...

Dilka Shacabka Oo Lagu Tartamaayo!

Rasaasta ciidanka Df-ka ayaa dishay 3 qof oo shacab ah gudaha magaalada Muqdisho, halka gantaal hoobiye ah oo ...

Imisa Qof Oo Soomaali Ah Ayaa Hub Heysta?

Hubka saxda ee gacanta uga jira muwaadiniinta Soomaaliya waa mid aan la aqoon, hase ahaate warbixin lagu qoray webseetka...

Internetka Aduunka Oo Halis Ugu Jira In Uu Joogsado Sababtan Darteed

Saynisyahanada ayaa ka digaya cillad guud oo ku timaado internetka aduunka iyaga oo sababtuna ku qeexaya nidaamka cadceedda oo...

Mooska Miyuu Noqon Karaa Halis Caafimaad!

Labo saynisyahan oo ka tirsan jaamacadda Beihang University Jian Saotian iyo Liao Jie,ayaa shaaca ka qaaday halis caafimaad oo...