Qof Aadan Maleysan Karin Oo U dhintay Karoona Fayrus

Madaxiii Isbitaalka Wuhun ee Shiinaha Ayaa Talaadadii u dhintay xanuunka Karoona Fayrus.


Xaqiiqonews-Caafimaad

Telefishinka Qaranka Shiinaha ayaa sheegay in Liu Zhiming oo ahaa agaasimihii Isbitaalka Wuhun uu u dhintay xanuunka Karoona Fayrus taasi oo tirada ka dhigeysa qofkii todobaad ee shaqaale caafimaad ah oo u dhintay Fayruska Karoona.

Shiinaha Oo Lama Degaan Isku Badalay!

Waxaa haawanaya oo gabi ahaanba lama degaan isku badalay magaalooyin badan oo ka tirsan shiinaha ka dib markii la xadiday socdaalkii magaalooyinkaasi.

Shirkadda diyaaradaha Singapore ee Singapore Airlines Ltd ayaa ku dhawaaqday in hoos u dhigeyso duulimaadyadeeda muddo seddex bilood ah inta laga gaarayo bisha May, si looga hartago faafidda Karoona.

Dhankiisa Madaxweynaha Kuuriyada Koonfureed, Moon Jae ayaa sheegay in dhaqaalaha waddankiisa uu galay “xaalad dag dag ah”, taasi oo ka dhalatay hoos u dhac badan oo ku yimid dalabka wax soo saarka Kuuriyada koonfureed tan iyo markii cudurka dilaaga ee Karoona uu dilaacay.

FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA