Qof Walbo Waa Dhintaa Laakin Qof Walba ma Noolo!

Daacad aan u hadlo dhamaanteen waxa aan ku soconaa hal waddo, waxa aan ula jeeda “wadada geerida”, in aan dhimaneyno macnaheedu ma ahan in aan lugaha isdul saarno oo aan firaashka ku sugtno “dhimashada”.


Xaqiiqonews-Horumarinta Nafta

si dagan u mala awaal “maalmaha todobaadka maalintee dhiman doontaa? isniin, Khamiis, wax laga yaabaa in ay noqoto sabti, runtii waa maalin xanuun badan, qoraalkani gaaban macnihiiisa ma ahan in uu qalbikaada ku abuuro “cabsida dhimashada”, balse waa lagama maarmaan in aan nafteen kula xisaabtanno “waqtiga xadidan ee aan heysano”.

Maxaa sameyn laheyd -ilaah ma qadaree- hadii dhaqtarkaada uu kugu wargelin lahaa in cudurka ku haaya uusan xalin karin isaga? markii lagu geeyey dhaqtarkii takhasuskana waxa uu kuu sheegay in cudurkani uu yahay “mid caadi ah”,.

Markii aad dalbatay in uu kuu micneeyo cudurkan caadiga ah, isaga oo kaa cabsanaayo ayuu ku yiri “K”, “K dee” ayaad weydiisay, markaas ayuu isna ku yiri “A”, “A dee? ayaad ku celisay, waxa uu isna sii raaciyey “N”, adiga wax fahansan lkn doonaya in aad xaqiiqsato ayaad cod caajisan ku tiri “Dhaqtar ha igu ciyaarine ii sheeg, kolkaasi oo dhaqtarka is baas ah uu isku wada raaciyey saddexda xaraf ee dhiman “kansar”.

Akhriste waa “maxay shayga ugu weyn ee sameyn laheyd hadii aad dareento in aysan jirin meel geerida looga baxsado?

Waxaan filayaa qof walbo oo naga mid ah waxa uu la soo bixi lahaa liis dheer “hooyadey ayaan booqan laha—qoyskeyga ayaan caawin lahaa, dabcan riyadeyda ayaan rumeyn lahaa, dadka aan isku careysanahay ayaan raali gelin lahaa” haa dhamaantood waa qodobo muhiim ah laakin ha la sugin ilaa gaarto “qarka geerida”. hadda bilow.

Waxaa jirta laba nooc oo nolol ah

Nolasha caadiga

Hadii nolasha aan uga hadalno saynis ahaan “shay walbo oo neefsada, wax cuna, tarma” waa noolyahay, tusaale geedaha, xaywaanada min bikteeriya ilaa maroodiga iyo nibiriga badda ku jira, dhamaantood waa ay noolyihiin.

Nolasha runta ah

Nooca labaad ee nolasha waa nolasha aan ugu yeeri karno “Tan runta ah”, macnaheedu waxa ay tahay in aan u shaqeysano nolasheena, in aan fahano sababta noola abuuray, in aan nolasha la qaadano dadka aan jecelnahay, in aan noqono “ficil sameeyaal” ee an noqon “fikirayaal” oo kaliya.

FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA