La taliyihii hore amniga ee Farmaajo, Xuseen Cali oo hadda madax ka ah machadka daraasaadka ee Hiraal ayaa sheegay in uu maqlay war murugo ah oo ka soo yeeray kiiska Ikraan Tahliil Faarax.
XAQIIQO NEWS- WAR IYO DHAMMAANTIIS
WARKA: Arinta murugsan ee Ikraan Tahliil waxa ay noqotay walaac dhab ah oo cid walbo ka murjisay waxaana dadka dhacdada ay xanuujisay ka mid ah la taliyihii hore ee dhanka Amniga Farmaajo Xuseen Macalin oo hadda ah madaxa machadka Hiraal.
DHAMMAADKIISA: Xuseen Macalin waxa uu ka dhawaajiyey warar murugo ah oo ka soo kordhay kiiska Ikraan isaga oo yiri “Waxaa la leeyahay baaritaanka waa lasoo geba-gebeynayaa mana jiraan wax caddeymo ah oo cidna dacwad loogu soo oogo.”
Xuseen Macalin ayaa sheegay in Kiiska Ikraan Tahliil uu yahay “Tijaabo damiir” loona baahan yahay in shacabka qaataan laba arin midood.
“Tani waxay tijaabo damiir inoo tahay dhammaanteen; ama waxaan aqbaleynaa in wax daboolidda ay noqoto caddaalad la gutay ama waa diideynaa oo waxaan ku adkeysaneynaa in ku dhaqanka sharciga uu guuleysto” isaga oo intaasi ku daray ” Xulasho cad.”
Ra’iisal wasaare Rooble ayaa horay u balan qaaday in ka qeyb qaadan doono sida cadaalad u heli lahaayeen qoyksa Ikraan Tahliil oo aan dulmane u aheyn oo kaliya in la dilay gabadhoooda, sidoo kale qoyska ayaa helin nooca ugu yar xaqqa ee ah in ay helaan jirka meydka gabadhooda.
Ikraan Tahliil Faarax ayaa loo maleynayaa in qaab fool xun loo jirdilay laguna dhax kufsaday xarunta hay’addda NISA ka dibna jirkeeda oo lajajaray lagu aasay meel aan la ogeyn, iyada oo Kiiskana uu lugaha la galaayo madax sare waana sababta baaritaanka kiiska ka dhigtay “Tuug ma aragtay ma arkin dheh”.