61 Sano..Waxaa is badalay oo kaliya waa: magacyada madaxda, taageerayaasha iyo waqtiga, tani Waa Soomaaliya tusaalaha ugu fiican ee “dowlad fashilantay” hadiiba sax yahay in eraygaas la isticmaalo.
XAQIIQO NEWS- FIKRDAHA
Waan ka xumahay in xaqiiqdan aan dadka la wadaago laakiin waa arin mudan in aan ka hadalno oo aan ku celcelino mar walbo, ma jiro qof caqli bartiis leh oo taageero u noqonaya in ay dhisanto dhalanteedka riyada ah ee loogu yeero “dowlad Soomaaliyeed” ugu yaraan sida aan hadda u naqaano.
In aad igu raacdo ama aad igu diido waxaa ka muhiimsan in aad dhuuxda u jeedkeyga iyo halka aan u socdo.
Ka soo qaad waxaan joognaa 1960, qof walbo oo aad taqaan wuu faraxsan yahay maxaa yeelay markii ugu horeysay taariikhda waxa uu maqlayaa calan iyo dowlad ay ku magacaaban yihiin “dad Soomaali ah”.
Balse taasi waa sawirka kore, marka aad gudaha u gasho xafiisyada dowladda waxaad arkeysaa warqado ku qoran Af-Taliyaani, dastuur uu qoray Taliyaani, calan sameyntiisa ay door ku lahaayeen taliyaaniga.
Xornimadaasi qabyada ah waxaa u dheereyd qabyaalad iyo masuq maasuq, waana sababta intii Caqliga laheyd in xilligaasi nooleyd aysan ugu qancin dowladdii Soomaaliyeed ee la sheegay in ay waagaas dhalatay.
Waa kan Abwaan Qaasim oo xilligaasi mariyey gabay ay mirihiisu ka mid ahaayeen:
- Dusha midabka Soomaali baad dugulka mooddaaye
- -Misna laguma diirsade qalbigu waa dirkii Karel!
- Isma doorin Gaalkaan diriyo daarta kii galaye
- Dambi kuma Hadlaaye Ma Arag Dowladdaan Rabay
Qaasim kaliya kuma aheen niyad jabka, waa kan isna Cabdi Gaheyr oo isbadalka waagaas dhacay ku sifeeyey Good iyo Abeeso isbadalay!
- Good iyo Abees baa is beddeley garanna maysaane
- Gocondhooyin baa aasan iyo mici gabaarreeye
- Karel kaama guurine halkanuu guud madaw yahay!
Sidaasi ayeyna intii garaadka laheyd ee indhaha u aheyd bulshada Soomaaliyeed u arkaayeen dowladihii rayidka oo laga yaabo qaarkeen in noogula sheegay sida in ay yihiin “malaa’igtii asaastay wax loogu yeero “dowladnimada Soomaaliyeed”.
Murti tiro beel oo aan halkani ku soo koobi karin ayey abwaanadu ku sifeeyeen hab dhaqankii dowladahihii rayidka ee jiray xilligaasi waxaan ugu dambeysiinayaa gabay uu mariyey abwaan Aadan Carab oo uu lahaa:
- Sidii baan midhaha uga gurtaa madaxa Toomoode
- Sidii baan marqaafyo u sitaa maas la ii tolaye
- Sidii baan martida caano geel ugu macsuumaaye
- Bal maxaa maslaxaduu i taray ministarkaan doortay!
10 sano oo dowladahii rayidka ay dalka xukamyeen, waxaa kobcay qabyaaladda, musuqa iyo maamul xumada, waa taas sababtii Milatariga u sahashay in ay sameeyaan “afgambi” taageero ka helay shacabkii Soomaaliyeeed ee ku hungoobay in ay arkaan dowlad Soomaaliyeed.
Ka dib maalmo kooban oo afku “malab ahaa” waa tii iyaduna dowladnimadii Soomaaliyeed ay noqotay “Ama Afweyne raac ama afkaad qabso”.
Ma rabo in aan dulmiyo dowladii kacaanka oo runtii qabatay waxyaabo badan oo Soomaalida waxtar u lahaa sida qorista AF-Soomaaliga, dhismihii ciidamada iyo waxyaalo kale oo aan halkani ku soo koobi karin.
Dowladii kacaanka sidii la moodaayey mise sidii ay noqotay, mid ka mid ah abwaanada Soomaaliyeed oo waagaas joogay markii uu arkay sida ay wax u socdaan waa kii lahaa
- Maxaad ugu dhawaaqdeen cadaalad aan laga dhabeyneynin
- Maxaad Noogu dhalateen kuwii hore ma dhaantaan.
Juujuub iyo afqabasho socotay 21 sano ka dib , kacaankii Milatariga waxaa xukunka ka tuuray kacaankii Shacabka! waxaana sidaasi ku soo afjarmay 30 sano oo safarka dowladnimada Soomaaliyeed uu noqday “kan tijaabi kanna fiiri”.
30-kaas sano iyo 31 kale oo dalka ku jiray burbur iyo dowlado taag daran ka dib su’aalaha muhiimka ah ee na horyaalla waxaa ka mid ah: ma jirtaa dowlad Soomaaliyeed oo mudan in uu taageero indheer garadka Soomaaliyeed? hadii aysan jirin (sida aan aniga aaminsanahay) maxaa badal ah oo qofka caqliga lahi qaaadan karaa?