Qoraa Muslim ah Oo dadka ka Yaabiyey :Muslimyahow Qudus Maxaad ka Rabtaa ?!

La Wadaag Asxaabtaada

Waxaan arkaa muslimiinta oo dhamaantood ka xanaaqaya Go,aanka Trump ee qudus waxaad u maleysaa in qudus ay hadda un u gacan gashay yahuudda!

Yahuudda Muddo ayey gumeysanayeen Qudus

Falastiin waxa ay gumeysi ku hoos jirtaa muddo ku siman boqol sano(100 sano) oo ka soo bilaabineysaa markii ciidamada Britain ay ka soo gudbeen xaduuda masar ka dib markii ay jabtay Khilaafadii islaamka ee cuthmaaniyiinta intii lagu guda jiray dagaalkii 2aad ee dunida sanadkii 1917-kii oo ku beegneyd 1336 H.
Britain ayaa badbaadisay Qudus

Wargeys lagu magacaabo”The New York Herald ” ayaa maalinimo ku beegneyd 11 Sep 1917(27 Safar 1336 H) waxaa uu bogiisa koobaad ku soo daabacay Warbixn uu ciwaan kaga dhigay :{ciidanka ingiriiska oo badbaadiyey Qudus ka dib 637 sano oo ay ku hoos jirtay xukun islaami ah).
Si kastaba haa ahaate Muslimiinta waxaan weydiinayaa Maxaan ka rabaan Qudus?!!!

In La Xoreeyo Qudus

Ma waxaan ka rabnaa Qudus in aan xoreyno sababtoo ah waa kaliya halkii laga dhoofiyey muxamed SCW anagoo tixraaceyna aayadan :
{سُبْحَانَ الَّذِي أَسْرَى بِعَبْدِهِ لَيْلًا مِنَ الْمَسْجِدِ الْحَرَامِ إِلَى الْمَسْجِدِ الْأَقْصَى الَّذِي بَارَكْنَا حَوْلَهُ لِنُرِيَهُ مِنْ آيَاتِنَا إِنَّه هُوَ السَّمِيعُ الْبَصِيرُ}؟
hadii jawaabta sidaa tahay ….Nabigii wuu dhintay iyadoo qudus ay gacanta ugu jirto Boqortooyada Ruum.

Saalaad in aan ku Dhax Dugano

Ma waxaan rabnaa in aan salaad ku dugano aqsaa anagoo ka shidaal qaadaneyno xadiiyada Nabiga SCW ee tilmaamaya fadliga ay leedahay Salaada lagu dugado Aqsaa:
-:” لَا تُشَدُّ الرِّحَالُ إِلَّا إِلَى ثَلَاثَةِ مَسَاجِدَ، الْمَسْجِدِ الْحَرَامِ (في مكة) وَمَسْجِدِ الرَّسُولِ -صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ- (في المدينة)، وَمَسْجِدِ الْأَقْصَى (في القدي)”(صحيح البخاري)، ولقوله -صلى الله عليه وسلم-:” الصَّلَاةُ فِي الْمَسْجِدِ الْحَرَامِ بِمِائَةِ أَلْفِ صَلَاةٍ، وَالصَّلَاةُ فِي مَسْجِدِي بِأَلْفِ صَلَاةٍ، وَالصَّلَاةُ فِي بَيْتِ الْمَقْدِسِ بِخَمْسِمِائَةِ صَلَاةٍ”(الكبير للطبراني

Hadii jawaabta tahay In aad Salaad ku dugato Aqsaa xiligii Nabigaba Iyadoo ku jirta gacanta Ruum dadku wey u safri jireen weyna ku dugan jireen Qudus Waliba Xilgan ma diideyso Isra’il in salaad lagu dugado Qudus.
Waxaa kale oo jira Xadiithka jaabir Ibnu cabdilaah ee Ku saabsan xiligii la furtay Makka Saaxibigii u Yimid Nabiga SCW ee yiri nabi Alow waxaan ku dhaartay in aan ku dugado Qudus nabiga SCw waxaa uu ku yiri “Halkan ku Dugo iyada ayaa kaga filan”
فعن جابر بن عبد الله قال: أَنَّ رَجُلًا قَالَ يَوْمَ الْفَتْحِ: يَا رَسُولَ اللَّهِ إنِّي نَذَرْتُ إنْ فَتَحَ اللَّهُ عَلَيْكَ مَكَّةَ أَنْ أُصَلِّيَ فِي بَيْتِ الْمَقْدِسِ، فَقَال له رسول الله -صلى الله عليه وسلم-:” صَلِّ هَاهُنَا”، فَسَأَلَهُ ثانية، فَقَالَ الرسول مرة أخرى:” صَلِّ هَاهُنَا”، فَسَأَلَهُ ثالثة، فَقَالَ -صلى الله عليه وسلم-:” شَأْنُكَ إذَنْ،… وَاَلَّذِي بَعَثَ مُحَمَّدًا بِالْحَقِّ لَوْ صَلَّيْتَ هَاهُنَا لَقَضَى عَنْك ذَلِكَ كُلَّ صَلَاةٍ فِي بَيْتِ الْمَقْدِسِ”(نيل الأوطار للشوكاني

Hadaba hadii ujeedkaada yahay salaad aad ku dugato aqsaa aad Shardi ma ahan in gacanta islaamka ay ku jirto ama iskaga Dugo makka iyo Madina Iyaga ayaa kaga filan.

in ay caasimad noqoto

Ma waxaan rabnaa In ay caasimad u noqoto falastiin Hadii jawaabtu haa tahay arintaasi wax faa,ido ah ma soo kordhineyso mana lahan waxa ajir ah sabatoo ah wax macno ah ma soo kordhineyso in Qudus ay caasimad u noqoto falstiiniyiinta muslimiinta kalana la weydiiyo passport iyo Dal ku gal markii ay doonayaan in ay qudus booqdaan.

guud ahaan qodobada kore ma u cuskan karno qadiyadda Xoreynta Aqsaa iyo Qudus balse waajibka ugu weyn ee muslimiinta saaran ayaa ah in ay ka xoreeyaaan dhulalaka oo dhan gacanta yahuuda halkaasina lagu sooceliyo xakun islaami ah aragtideyda taasina ma dhaceyso hadii aan la helin khilaafo islaami ah oo arimhaasi oo dhan hoos ka soo bilowdo.

F.G: sax ma noqoneyso in dadka qaar ay aaminaan in wax xoog lagu qaatay aad ku soo ceshan karto Heshiis iyo banaan bax,hase ahaate taasi ma ahan micnaheedu in aan diidaayo dibadbaxyada ay dhigayaan muslimiinta maxaa yeelay waxaa jira xadiith Nabiga laga wariyey oo dhahaya:
فالرسول -صلى الله عليه وسلم- قال:” مَنْ رَأَى مِنْكُمْ مُنْكَرًا فَلْيُغَيِّرْهُ بِيَدِهِ، فَإِنْ لَمْ يَسْتَطِعْ فَبِلِسَانِهِ، فَإِنْ لَمْ يَسْتَطِعْ فَبِقَلْبِهِ وَذَلِكَ أَضْعَفُ الْإِيمَانِ”(صحيح مسلم)، ورُوِي عن الرسول:” إِذَا رَأَيْتَ أُمَّتِي لَا يَقُولُونَ لِلظَّالِمِ مِنْهُمْ أَنْتَ ظَالِمٌ، فَقَدْ تُوُدِّعَ مِنْهُمْ”(مسند أحمد
Wabilaah towfiiq
W/Q: Kaatib Faaris

FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA
Like
Like Love Haha Wow Sad Angry
La Wadaag Asxaabtaada