Qoraalkan Ayaa Ku Qornaa Gantaal Mareykanka Ku Duqeeyeen J/dhexe.

Diyaaadaha Mareykanka ayaa duqeyn culus ka fuliyey deegaanka Hombooy oo ku dhaw degmada Jilib ee gobolka Jubada dhexe, arinkaasi oo ugu yaraan sababtay dhimashada hal qof.


Xaqiiqonews-Wararka Gudaha.

Sida la sheegay duqeynta waxaa ku geeriyooday nin dhalinyarro ah oo lagu magacaabayey Siidii maxamed Macallin, ninkani oo ka mid ah beeraleyda Hoobooy.

Aabaha dhalay Siidi oo la hadlay idaacadda Alshabaab ayaa sheegay in wiilkiisa la dilay xilli uu ku howlanaa shaqa maalmeedkiisa.

Sawirro Laga soo qaaday goobta wax ka dhaceen ayaa waxaa lagu arki karaa qalfoofka gantaalka duqeynta loo isticmaalay.

Sidoo Kale Aqri..Gantaalka Qiyaamaha Ruushka Ayaa isticmaali doono 2025

Gantaalka loo isticmaalay waxa uu ahaa nooc aad culus, waxaan korkiisa ku qoran digniin ku saabsan in gantaalkani uusan qaadi karin hal qof.

FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA