Qoraalkani Ayuu Turkigu Ku Dul qoray Kaalmadii Mareykanka Ay Siiyeen

Diyaarad milatari oo xamuul ah ayaa ka ambabaxday Turkiga, iyadoo oo agab caafimaad oo kaalmo ah u qaaday Gobolada midoobay ee Mareykanka.


Xaqiiqonews-Wararka Dibadda

Diyaaradani oo ay lahaayeen ciidanka Turkiga, ayaa daabushay agab cafimaad oo fara badan , oo ay ku jiraan, Maaskaro, dharka ka hortagga, iyo agab kale oo fara badan.

Agabkani caafimaad oo xambarsanaa shicaarta madaxtooyada Turkiga, ayaa sidoo kale waxaa qalabka lagu dul qoray oraah lagu tarjumay afafka ingiriiks iyo Turkiga, oraahda ayaa u qorneyd sidan “quusta ka dib, waxaa jira rajo, iftiin badan ayaana ka dambeeya mugdiga”.

Madaxweyne Ordagan ayaa horay Mareykanka ugu balan qaaday in uu gaarsiin doono kaalmo, isaga oo yiri “Waxa aan kaalmo u diri doonaa Mareykanka, sida maaskaraha, galoofiska, qalabka wajiga lagu xerto ee ka hortagga iyo agab kale”.

Tan iyo markii uu bilowday cudurka Covid-19, Turkiga ayaa kaalmo gaarsiiyey waddamo badan oo ay ka mid yihiin, Taliyaaniga, Spain, Macedonia, Montenegro, Serbia, Bosnia , Herzegovina, Kosovo, Britain, iyo Somalia

FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA