QORSHO CUSUB:Alshabaab oo derbi dheer ka dhisi Rabo Soomaaliya iyo Sababta oo la ogaaday#aqriso

-

tobanaan isuga jira madax iyo ciidan kana tirsanaa xarakada alshabaab ayaa u geeriyooday weeraro ay fuliyeen diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee loo yaqaan drones-ka waxaana ka mid ahaa hogaamiyihii xarakada aAlshabaab Sheikh mukhtar cabdiraxamn abu-zubeyr.

hadaba alshabaab ayaa Cabsi badan iyo walwal ka qaba weerarada diyaradaha drone-ka oo maalmahan danbe noqday kuwa joogta ah arinta ugu badan ee cabsida ku keentay hogaamiyaasha xarakada ayaa ah qorsha la,aanta ku aadan waxa laga yeeli karo diyaaradaha noocaan inkastoo xarakada si heer magaalnimo ah ay ugu hortagto weerarada kaga imaanaya cadowkeeda hadana sida cad ma jiro qorsha ku aadan waxa laga yeeli karo diyaaradahan.

17-dii November sanadkii tagay ee 2016-kii shabakadda aljaziira qeybta af-ingiriisiga ayaa daabacday warbixin ay ciwaan kaga dhigeen”‘Anything that flies is an enemy’ oo micnaheedu tahay”wax kasta oo biiba waa cadowkeena” warbixintaasi oo si faafaahsan kaga sheegeyneysa wixii kala qabsaday wariyaha aljaziira iyo hogaamiye Alshabaab ka tirsan oo lagu magacaabo sheikh xasan yacqquub.

Wariyaha al-jaziira ayaa isku dayey xiligaasi in uu film cirka ah oo uu ka qaado Xubnaha kooxda u isticmaalo Drone balse waxaa xiligaasi is hortaag ku sameeyey sheikh xasan oo yiri”wax kasta oo biiba ma ahan shimbir, waxkasta oo biiba waxaan u aragnaa cadowkeena”.

Dood dheer ka dib waxaa hogaamiyaasha xarakada ay ku qanceen in filim loogu qaado drone balse wali shakiga waa uu taagnaa waxaana wax yar ka dib qeyliyey mid ka mid ah dagaalyahanada isaga oo leh”dhamaanteen waan isku egnahay ma lagala garanaayo yaa gaaban yaa dheer yaa buuraan yaa caato ah” ka dib markii uu daawaday sawiradii ay qaatay diyaaradda drone-ta ah.

“sidasi waa sida mareekanka ay wax u arkaan marka ay kaamirada naga duubayaan ma lagala garan karo dadka” ayuu yiri dagaal yahan kale “la yaab malahan waa taasi waa sababta meelaha qaldan u duqeeyaan” ayuu ku qeyliyey dagaalyahan kale.

wariyaha aljaziira ayaa sheegay in markii ay ka soo tagayeen xubnaha kooxdu uu amiirka ku amray ciidankiisa in wixii saacatan ka bilowda diyaaradii ay argaan ay tahay cadowgooda.

Feejignaanta heerkaasi la eg ee kooxda ayaa dhanka kale waxaa laga yaabaa in ay soo dedejiso Qorsho uu horay si maadeysi ah u sheegay hogaamiye kooxda ka tirsan isagoo yiri”si loo badbaadiyo noolasha hogaamiyaasheena waa in meesha laga saara awoodda tiknoolajiyadda drone-ta si ay arintaasi u dhacdana waa in la dhisaa dhismo dheer oo gaaraya cirka korna ka daboolan si soomaalia looga dhigo aag ka caagan diyaaradaha”

qorshaha cusub ee xarakada waxaa dhiirigelinaya derbiga dheer ee kenya ay ka dhiseyso xaduudda ay soomaaliya la wadaagto si ay iskaga ilaaliso waxa ay ugu yeertay argigixisida iyadoo la ogyahay in donald trump uu isna balan qaaday in uu derbi dheer ka dhisi doono xaduudda mareekanka uu la wadaago Mexico.

dhismaha derbi ee aduunka hadda ugu dheer waa kan shiinaha oo laga argi karo dayaxa balse dhismaha derbiyaal cusub oo dheer ayaa waxaa balan qaaday kenya, alshabaab iyo Donald Trump waxaase laga war sugayaa qofka ugu horeeya ee ku dhaqaaqa ama bilowa dhismaha inkastoo aan la hubin in alshabaab ay noqon doonaan kuwa ugu horeeya ee fuliya qorshahooda marka la fiiriyo xaaladda dhaqaale ee xiligani soomaaliya ka jirta.

Wararka U Dambeeyey

Yurub Oo Koronto La’aan Iyo Biyo La’aan Ka Cabaneysa!

XAQIIQO NEWS- WAR IYO DHAMMAANTIIS WARKA: Xilli dagaalka Yukrayn uu afar bil jirsaday, todobaadkan Putin waxaa uu jaray tubadii ugu...

Dameerkii Ugu Cod Qurxan Ayaa Guuleysanaya!

Magaalada San Andeero ee dalka Kolombiya sanad walba waxaa lagu qabtaa tartan cajiib ah oo u gaar ah "dabaaldagga...

Hadii Aad Ku Hurudo Qol Iftiin Leh..Iska Jir Halistan Caafimaad

Albaabada iska xir, daaqadaha soo laab ka hor inta aadan isku tuurin firaashka waa talada ay bixineyso daraasad cusub...

Ikhwaanu Muslimiin Arooskooda Eeyaa La Qalaa

Waxaan ku jirnaa maalmaha "Hilba waradka(ayaamu tashriiq) ee ciida weyn ee muslimiinta, aniga oo niyadda ku haaya fadliga maalmahaas...

Daawo..Mareykanka Dabaaldagii Xoriyadda Oo Toogasho Ka Bilaabatay

Muuqaalka baraha bulshada la soo dhigay waxaa lagu arkayaa dad kala cararaya meel ay ka socotay dabaaldaga maalinta xoriyadda...

Hormuud Oo Webseetyada Turkiga Xanibtay..Waa Tan Sababta

Bankiga dhexe ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in bankiyo caalami ah xarun ka furanayaan Soomaaliya, waxaana ugu weyn bankiga...