Qoryaha Boombalaha Ma U Fiican Yihiin Caruurta?

-

Caruurta dunida oo dhan gaar ahaan wiilasha ciyaartani waxa ay soo wadeen muddo boqolaal sano ah sida uu qoraayo webseetka child-encyclopedia.


Xaqiiqonews-Wararka

Arinta ugu xanuunka badan ee waalid qalbigiisa damqineysa waxa ay noqon kartaa marka uu maqlo “canugaada xabad ayaa dishay”, taasina waa waxa ugu badan ee dhici karo-hadii ay bataan “dadka hubeysan” ama qoryooleyda.

Dr Axmed Xalaal oo ah dhaqtarka indhaha ayaa aaminsan in qoriga-boomblaha caruurta uu leeyahay waxyeelo Caafimaad.

“Qaarkood ayaa nabarro ka gaareen bu’da madow, qaarkood indhaha ayuu dhiig uga furmay, intaas oo dhaawac ah waxaa sabab u ah waalidiinta caruurta u iibinaya baskooladahan, iyo ganacsatada suuqa soo galisa” ayuu yiri Dr Xalaal oo sheegay in uu xafiiskiisa ku qaabilay ilaa seddex caruur ah oo qoryahani ay soo waxyeeleeyeen.

Dr Axmed Xalaal oo wiisateynaya caruur ay indhaha uu ka soo dhaawacay qoriga boomblaha ee caruurta

Hadii aan markale su’aasha ku celiyo “qoryaha boomblaha ma u fiican yihiin Caruurta?-waxa ay ila tahay waxaa dhihi laheyd “maya, sababtoo ah wey dhaawaceysaa.

Ii ogolow in aan aniga su’aasha fikirkeyga ugu jawaabo, Waxaan dhihi Maya/Haa, xitaa hadii dhibkiisu uu leeyahay, caruurtana ku sababi karo dhaawac jireed, waa kan dhanka fiican ee ah in ay fiicantahay caruurta oo ku ciyaarta “boombalaha Qoriga”.

Marka cauurta loo diido in ay ku ciyaaraan “hubka”, waxa ay ka dhigantahay in aan awoodda garashada maskaxdooda ka dhigeyno mid xadidan, caruurta dunida oo dhan gaar ahaan wiilasha ciyaartani waxa ay soo wadeen muddo boqolaal sano ah sida uu qoraayo webseetka child-encyclopedia.

Qaababka Caruutaada aad ugu ciyaarsiin karto “qoryo-boombaleedka”

-bar caruurta goobaha halista ee ay haboontahay in la ilaaliyo sida wajiga, indhaha iw.

-Fiiro u yeelo luqaadda ay ku ciyaarayaan.

Kala bar caruurta maxaa run ah maxaa been ah

Xadid waqtiga ay ciyaarayaan.

Ugu dambeyntii waxan jecelahay in aan kula wadaago dareenkeyga xishoodka marka aan qoraayo mowduucan oo kale aniga oo aan wali waalid noqon, waxa aan raali gelinayaa dhamaan waalidiinta, aniga oo filanaayo in caruurteena ay noqdaan hantida keydka ah ee dalka.

Wararka U Dambeeyey

Cilmi Baaris..Dhimashada Ka Dib Ishu 5 Saac Ayey Wax Sii Arki Kartaa!

Baaris lagu sameeyey indhaha dad dhintay oo horay xubnahooda ugu deeqay in cilmi baaris lagu sameeyo ayaa waxaa lagu...

Waa Kan Cudurkii Uu U Dhintay Xaakimka Imaaraatka SH. Khalifa Bin Zaayed

Waxaa geeriyooday Madaxweyihii Imaaraatka carabta Shiikh Khalifa Bin Zayed Aala Nahyaan oo ahaa 73 jir, sida ay shaacisay Wakaaladda...

Mar Hadey Doorasho Tahay Qof Walba In Uu Soo Baxo Filo

Qof walbo waxa uu filayaa soo bixitaanka musharixiisa uu jecelyahay, balse waxaan la iska indha tiri karin mar hadii...

Ruushka Oo Sheegay In 30 Daqiiqo Kaliya U Baahanyahay Si Uu U Burburiyo Dowladaha NATO!

Maamulaha wakaaladda hawada sare u qaabilsan Ruushka ninka lagu magacaabo Dmitry Rogozin ayaa sheegay in dalkiisa u baahanyahay oo...

Doorashada 15-ka May..Maxaa Ugu Muhiimsan?

XAQIIQO NEWS- WAR IYO DHAMMAANTIIS WARKA:15-ka bishan aynu ku jirno ee May, waxaa lagu wadaa in la qabto doorashada aadka...

3 Weedh La Dhibsado Oo Ay Tahay In Aad Iska Ilaaliso Marka Aad La Kulmeysa dadka

Waxaa kale oo loogu yeeri karaa "kalmadaha isticmaalka laga badiyey" ama erayo kale hadii aan ku sheegno "nahdii ayaa...