Quunshaay..Diyaaradda Jaasuuska Ee Gacanta Lagu Qaato

-

Ciidanka Biritan ayaa soo iibsaday diyaarad drone ah oo loogu magac daray quunshaay (Bug), taasi oo gacmaha lagu qaadan karo, waxna ka jaajuusi karto fogaan dhan 2Km.


XAQIIQO NEWS- TIKNOOLAJI

Diyaaraddani saqiirka ah ayaa loo adeegsan karaa muuqaal duubista fog, waxaana dib loogu soo celin karaa xeryaha askarta.

Diyaaraddani yar ayaa miisaankeedu yahay 19gram, taasi macnaheedu waxa tahay diyaaraddani waxa la egtahay taleefoonada gacanta ee Ismaartiga ah iyada oo ku qalabeysan bitiri noolaan karo 40 daqiiqo.

Sidoo Kale Aqri: Diyaaradda Dagaalka Ruushka Maxaa Loogu Bixiyey su-57?

Farsama yaqaanada diyaaradda ayaa sheegay in diyaaradda ay awood u leedahay ku dhax shaqeynta cimilada xun, sida lagu ogaaday tijaabo dagaal oo ay sameysay wasaaradda difaaca.

Diyaaradda Quunshaay “bug” ayaa waxaa sameeyey shirkadda hubka u sameysa ciidanka Biritan ee lagu magacaabo BAE Systems Applied Intelligence iyaga oo la gaashaday shirkadda UAVtec oo ah shirkadda sameysay diyaaradaha Milatariga oo fadhigeedu yahay gobolka Gloucestershire

Wasaaradda Difaaca Ingiriiska ayaa sheegtay in ay 66 Milyan oo ghini Starliinka ah ay ku bixiyeen mashaariicda sameynta roobotyada oo ay ku jiraan “drones-ka yar yar, waaxaa intaasi dheer markabyada is-wada iyo maraakiibta loojistakada ee meelaha fog laga hago.

Wararka U Dambeeyey

Yurub Oo Koronto La’aan Iyo Biyo La’aan Ka Cabaneysa!

XAQIIQO NEWS- WAR IYO DHAMMAANTIIS WARKA: Xilli dagaalka Yukrayn uu afar bil jirsaday, todobaadkan Putin waxaa uu jaray tubadii ugu...

Dameerkii Ugu Cod Qurxan Ayaa Guuleysanaya!

Magaalada San Andeero ee dalka Kolombiya sanad walba waxaa lagu qabtaa tartan cajiib ah oo u gaar ah "dabaaldagga...

Hadii Aad Ku Hurudo Qol Iftiin Leh..Iska Jir Halistan Caafimaad

Albaabada iska xir, daaqadaha soo laab ka hor inta aadan isku tuurin firaashka waa talada ay bixineyso daraasad cusub...

Ikhwaanu Muslimiin Arooskooda Eeyaa La Qalaa

Waxaan ku jirnaa maalmaha "Hilba waradka(ayaamu tashriiq) ee ciida weyn ee muslimiinta, aniga oo niyadda ku haaya fadliga maalmahaas...

Daawo..Mareykanka Dabaaldagii Xoriyadda Oo Toogasho Ka Bilaabatay

Muuqaalka baraha bulshada la soo dhigay waxaa lagu arkayaa dad kala cararaya meel ay ka socotay dabaaldaga maalinta xoriyadda...

Hormuud Oo Webseetyada Turkiga Xanibtay..Waa Tan Sababta

Bankiga dhexe ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in bankiyo caalami ah xarun ka furanayaan Soomaaliya, waxaana ugu weyn bankiga...