Raahib buudi ah Oo Markii Qabriga Laga Soo Saaray Ka Yaabsaday Dadka#labo sano ka dib

La Wadaag Asxaabtaada

Raahib buudi ah ayaa dadka uga yaabsaday dhoolacadeyn ka dib markii la soo bixiyey meydkiisa muddo labo sano oo uu dhinsanaa ka dib.

Sida ay xaqiiqonews ka soo Tarjuntay Warbixin lagu qoray Daily mail, ninkani buudiga ah ayaa laga soo saaray goobtii uu ku aasnaa ee Luang Fur Bian si dharka looga badalo ,balse dadweynihii howsha gacanta kula jiray ee reer Thainland ayaa la kulmay arin ka yaabisay.

Ninkani ayaa ku dhintay isbitaal ku yaalo caasimada Thainland Bangkok isagoo jiray da,da 92 sano, waxaa uuna inta ugu badan noolashiisa ku soo qaatay Macbad ,isagoo ka shaqeyn jiray qalabka lagu ilaaliyo meydadka dadka “coffin”.

muddo labo sano ah oo uu mowtanaa ka dib waxaa laga soo saaray goobtii uu ku jiray ,balse arinta fajacisada noqotay ayaa ah sawirada laga soo qaaday meydka oo u muuqday nin dhoolacadeynaya.


FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA
Like
Like Love Haha Wow Sad Angry
La Wadaag Asxaabtaada