Dad badan ayaa aaminsan in gabadha muuqaalka qurxoon ay tahay shabaq ay ku soo daataan rag badan, hadii aad ka mid tahay dumarka sidaa u fakira.. waad qaldantahay waxaa jira 5 arimood oo raggu ay ku qiimeeyaan gabadha ay jeclaanayaan.
Xaqiiqonews-Horumarinta-Nafta
-Gabarta Wax maqleysa
Qofka oo aad si fiican u dhageysato waxa ay ka dhigantahay in aad tixgelin u heyso, raggu aad ayey kaga helaan gabadha fadhiisata ee maqasha warka ninkeeda,gabryahey in aad leedahay dulqaad aad ku dhageysato ninkaada waxa ay noqon kartaa aalad aad ku adoonsan karto qalbikiisa.
_Gabarta Cunta Karinta Fiican
Gabadha gacanta fiican waxa ay leedahay xirfad ay ku sameyso cuntooyin soo jiidasho leh, raggu waxa ay aad u jecelyihiin dumarka qancin kara calooshooda.
Wax ceeb ah ma ahan in mar ama labo adiga iyo ninkaada aad cunto u raadsataan maqaayad laakin maalin kasta sidaasi xal ma ahan.
Sidoo Kale Aqri 4 Qodob oo Garoobnimadaada ama Guumeysnimadaada ka Dhigeyso mid raaxo ah!
-Gabarta Funyy-da ah
Qosolka waa “daawo waxter leh” , haddaba haweeneyda awoodda u leh in ay ninkeeda ka qosliso xitaa marka uu xanaaqsanyahay-waa mid soo jiidasho leh.
Raggu waxa ay jecelyihiin in ay la fadhiistaan dumarka wax ka qosliya.
_Gabarta Aaminaadda leh
Daacad u ahaaw qofka aad xiriirka la leedahay inta aad awooddo, hal been oo aad u heystay mid yar ayaa noqon karta derbi adag oo kala dhaxgala adiga iyo lamaanahaaga.
Aaminaadda hadii ay burburto mar kaliya, wey adagtahay in dib loo soo dhiso.