Raheem Sterling Oo Af-Somali Si Fiican Uga Hadlaya

Raheem Shaquille Sterling  waa ciyaaryahan reer England ah kaasi oo weerar, garab iyo dhaxdaba uga ciyaarka kooxd M.City ee ka ciyaarta hoyaalka Ingiriiska.

Xaqiiqonews-Muuqaalo

Muuqaal gaaban oo soconaya waxa aan ka badneyn 5 ilbiriqsi ayaa waxaa ka soo muuqanaya Raheem oo dhoolacadeynaya islamarkaana ku dhawaaqaya erayo af-soomaali ah.

Muuqaalkani oo lagu baahiyey baraha bulshada, Ayaa Sterling waxaa uu leeyahay “Waryaa Kaalay Naga Aamus”, .

Inkastoo erayada aanan laga fahmeyn wax fariin ama micno gaar ah, hase ahaate muuqaalka oo u muuqda mid laga soo shaqeeyey ayaa waxa uu soo dhaweyn fara badan ka helay Soomaalida.

FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA