Ra’iisal Wasaaraha Cusub Waa Daarood!

Dad isticmaala baraha bulshada ayaa is dhaafsaday muuqaal odayaal iyo nabadoona goob xaflad ah ka sheegay in ay hambalyeynayaan ra’iisal wasaaraha cusub ee beeshooda ka tirsan- sida ay hadalka u dhigeen.


XAQIIQO NEWS- BARAHA BULSHADA

Barlamaanka Soomaaliya ayaa Maxamed Xuseen Rooble si aqlabiyad ah ugu codeeyey in uu noqdo ra’iisal wasaaraha dalka mudada gaaban ee ka harsan doorashooyinka dalka.

Ra’iisal wasaaraha ayaana xilka ku yimid qaabka awood qeybsiga beelaha ee 4.5.

Markii ugu horeysay ee Xilka Noola Magacaabo

Odayaal ka soo jeeda beesha Kuumada ee gablalax daarood ayaa qabtay xaflad ay ugu dabaal dagayaan xilka cusub ee loo ansixiyey Rooble.

Odayaasha ayaa sheegay in Rooble uu yahay wiilkooda, ayna ku faraxsanyihiin in markii ugu horeysay qof ka soo jeeda beeshan xilkan loo magacaabo.

Halkan hoose Ka Daawo Muuqaalka

FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA