Rajo Iyo Halis…Bankiyada Islaamiga ee Soomaaliya

Waxa aan ka qeyb galay bandhig maalgashi oo ay sameeyaan qaar ka mid ah bankiyada Soomaaliya, waxa aan jecleystay in fikirkeyga ka dhiibto rajada iyo halisyada is wata ee yeelan karaan mashruucyada

Xaqiiqonews-

Rajada Fiican

Qeybta ugu fiican ee mashruucan waxa ay tahay in mashruucyadani ay siinayaan garab taageero ah “maalgelinta gudaha”, taasi oo qurba joogta ku dhiiri gelineysa in ay ku dhiiradaan maalgashiga gudaha.

Kulankii aan aniga ka qeyb galay mashruuca ugu weyn ee isoo jiitay waxa uu ahaa , mashruuc 100 milyan oo doolar ku baxeysa kaasi oo lagu dhisaayo xaafad ka mid ah magaalo Soomaaliya ku taal.

Ma hubo laakiin madaxadii bankiyada waxa ay noo sheegeen in aysan wax tartan ah kula jirin “macaamiishooda”, taasi waxa ay ka dhigneyd in bankiyadani aysan gali doonin ganacsaiyada kale sida caafimaadka iwm.

halis Weyn

Magaca ugu fiican ee aan ugu yeeri kara waaa “mashruuc kala daadsan”, waxa aan aragnay qaar ka mid ah folder-dii iyo keydkii feelasha oo aan furmeynin.

Soo jeediyaasha mashruuca ma aysan wadan qof “technical ah” kaasi oo ka jawaabi kara su’aalaha, arintaasi waxa ay ii cadaatay markii aan waayey qof ka jawaabo su’aal aheyd “guryaha aad dhiseysaan saqafkooda ma jiingad baa”?.

Sidoo Kale Aqri..Bankiyada Muqdisho Oo Lumiyey Malaayiin doolar..go’aankan ayey Df-ka Qaadatay

Dhaliisha xun ee mashruucani wajahi karo waxa ay tahay faa’idada oo aheyd 30%, muddo 5 sano ah , taasi oo aheyd faa’idada ugu weyn ee aan arko banki faa’ido ahaan u helo mudadaas gaaban.

Dhanka kale mashuurcan ma laheyn wax akhlaaq ah “ethical value”, maxaa yeelay xaafaddaa la dhis rabo waxaa laga dhisayaa dul hanti guud ah , inkastoo la sheegay in maamul goboleed laga iibsaday haddana marka aad tahay banki islaami ah waxaa jiro xeerer akhlaaq iyo diin oo kaa celinaayo arimo badan.

Bankiyada waddanka waxa ay ka simanyihiin in dhamaantood ay yihii hay’ado beeleed, taasi oo meesha ka saareysa aaminka qofka doonaayo in uu maalgeshto bankiga,

Ugu dambeyntii waxa aan ka shakisanahay hadii bankiyada ula dhaqmaan macaamiisho hab cadaalad ah taaso oo afka qalaad lagu yiraahdo ‘Treating Customer Fairly’ , waxaan xasuustaa markii aan faallo ka dhiibtay baraha bulshada oo ku saabsaneyd mid ka mid ah bankiyada waddanka oo wasiirka Df-ka ka tirsan siiyey Credit Car, cmment yar ayaan ku qoray oo ku saabsan shuruucda AML o ah hadii qofka siyaasad ku jiro in la marsiiyo baadhitaan dheeri ah, nasiib darrase mashruucii oo u sameynaa qaab xayiisaan ah meesha ayey ka saareen.

Bangiyada Islaamiga ah ee ka jira Somalia waxa ay ila tahay in ay waxyaabo badan dib uugu noqdaan haddii aanay jirin bangiyo ribawi ah oo ay shacabku kasoo horjeedaan, waa inay u daneeyaan shacabkaas kana dheeraadaan waxyaabaha ummada ragaadiyay, waayo kaliya inaad bangi tahay waxa ay ku faraysaa inaad tahay mu’asasad sharciyo adag leh, inaad Bangi Islaami ah tahayna waxa ay kusii saaraysaa masuuliyad ka wayn ta shuruucda iyo qawaaniinta maaliyadeed, oo waa inay ku xeeriyaan shuruucda Ilaahay.

W/Q: Abdirahman Osman

Alraxma1988@gmail.com

FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA