Dalal badan oo muslimiin ah oo ugu horeeyaan dowladaha Khaliijka iyo Soomaaliya ayaa Ramadaanka u bilowday Sabtida 02-da April halka dowlado oo ay ka mid yihiin Iiraan, Maleysiya Indoneesiya iyo kuwa kale la filaayo in ay soomaan maalinka axadda 03-April 2022.
XAQIIQO NEWS- WARARKA
Waxaa la filayaa in muslimiinta Koonfur Afrika ay noqon doonaan kuwa soomaya saacadaha ugu yar soonkan, iyagoo soomi doono 11 saacadood.
Dhanka kale muslimiinta ku nool qaaradda Yurub ayaa la filayaa in ay noqon doonaan kuwa soomaya saacadaha ugu dheer, gaar ahaan muslimiinta ku nool Reykafik oo ah caasimadda Iceland waxaa lagu wadaa in ay soomaan saacadaha ugu dheer, iyaga oo soomi doono 16 saacadood iyo 50 daqiiqo.
Saacadaha Laga Soomi doono Soomaaliya
Magaalada Muqdisho waxaa laga soomi doonaa 12 saacadood iyo 6 daqiiqo halka Hargeysa laga soomi doono 12 saacadood iyo 14 daqiiqo.
Bosaaso waxaa laga soomaaya 12 saacadood iyo 15 daqiiqo halka mid kasta oo ka mid ah magaalooyinka Kismaayo, Marka iyo Baydhaba laga soomi doono 12 sacood iyo 7 daqiiqo, 8 daqiiqo iyo 11 daqiiqo- hadba sida ay u kala horeeyaan.