Dhamaanteen waan jecelnahay Ilaah, dhamaanteenna waxaan ilaah ugu baahannahay nolosheena, waxaanan dhammaanteen ognahay macnaha Ilaah iyo saameynta ay ku leedahay Ruuxda, wadnaha, maskaxda iyo jirka.
Ramadaan waa yimid ,waxaan weydiisaneynaa in Allaah uu naga aqbalo.
Ma is weydiisay, bisha Ramadaan ee la soo dhaafay markay dhammaatay ka dib, …waa maxay ficillada cibaadada ama meelaha aan ka gaabiyay? ma is weydiisay meelaha aad is leedahay waan ka qoomameynayaa oo waxaan rajaynayaa inaan markale iga tagin fursadda Ramadan? ma Quraanka ayaan u aqrinin qaab u fiirsasho is dareensiin leh? Ducadu miyaad ka huraday? Miyaad ka maqnayd Sunnooyinka? Miyaad ka tagtay salaadda Tarawiixda? Miyaad maskaxda ku haysaa waxaa aad jecshahay in aad soo kordhiso bishan Ramadaan? Ma waxaad la yaabantahay dhaqankaagii xumaa ee Ramadaankii tagay oo aad is leedahay badal ku sameey?.
Alle SW waa Naxariis badne, isaga ayaa noo dheereeyey Cimriga oo aynu ku soo gaarnay in aan ku soomanno, Rabbi waxa uu ku leeyahay xadiith al qudsi “Aniga ayaa Ramadaanka iska leh aniga ayaan abaalmarinteeda leh” ma ka faa,ideysanna fursaddan min bilow ilaa dhamaad? Ama waxan sameyneynaa mar kasta, waxaan ku bilaabaynaa dadaal weyn, kadibna aan sii yareyno cibaadada marba marka ka sii danmbeysa.
Wax kasta oo aan ku heysano Ramadaanka dhaxdiisa ayaa joogi doona markuu dhamaado kadib, marka laga reebo bisha barakaysan nafteeda.
Ugu dambeyn.. waa tan fursadda wey timid? hadii hadda aadanhowsha bilaabin ? Goormee.?