Rayaan..Yaa Ceelka Ku Riday? Sidee Loo Badbaadiyey? Sidee Ayuuna U Dhintay?

-


XAQIIQO NEWS- WAR IYO DHAMMAANTIIS

WARKA: Galabnimadii sabtida kooxda badbaadinta waxaa u suurtagashay in ay ka soo saaraan wiilka yar ee Rayaan ceelka uu ku dhacay laakiin dadaalada socday kuma guuleysan in ay badbaadiyaan nolasha wiilka.

DHAMMAADKIISA: Dad badan oo isticmaala baraha bulshada ayaa is weydiiyey su’aalo ay ka mid tahay sababtii Rayaan uu ceelka ugu dhacay madaama dadka ka war heleen oo kaliya isaga oo ceelka ku jira lana soo badbaadiyey ka dibna waxaa laga war helay dhimashadiisa mana jirin dad og sababta uu halkaasi u tagay.

Khaalid oo ah aabaha dhalay Rayaan ayaa warbaahinta maxalliga ee dalkaasi Marooko u sheegay in uu maalintaas hagaajin ku waday ceelka oo dhirirkiisu yahay 62 mitir, balse goor dambe uu u baxay si uu u soo tukado salaadda casar hase ahaate soo laabashadiisa ka dib waxa uu waayey wiilka.

Khaalid waxa uu intaasi ku daray in markii hore loo maleeyey afduub, laakiin waxaa goor dambe la xaqiijiyey in Rayaan uu ceelka ku dhacay markii kaamirooyinka soo duubeen.

Dhanka kale warbaahinta Marooko waxa ay ku warameen in aabaha dhalay Rayaan uu ceelka hagaajin ku waday markii uu salaadda u baxayna uu ceelka afkiisa saaray bir yar oo fudud oo macdan ah.

Waxaa loo badinayaa in Rayaan oo ahaa 5 sano jir uu iska qaaday daboolka fudud sidaasna uu ceelka ugu dhacay.

Kooxaha badbaadinta oo shaqo joogta ah waday habeen iyo maalin ayaa 5 maalin ka dib ku guuleystay in ay gaaraan halkii uu ku dhagana Rayaan halkaasi oo dhulka sare u jirta 32 mitir.

Ka hor inta aan laga soo saarin Rayaan,waxa ay Kaamirada qabatay waalidiinta Rayaan kuwaasi oo sugaayey soo badbaadinta wiilkooda.

Waxaa is badalay jawiga, takbiir ayaana is qabtay markii Rayaan la soo saaray waxa ayna qaadayaan dadka qasiidooyin ay ka mid tahay “Dhalacal badru caleynaa”.

Warbaahita waxa ku warameysay in kooxa badbaadinta ay la socdeen koox caafimaad oo ku takhasusaty la tacaamulka xaaladaha miirbeelka sidoo kale gaari nooca gurmadka deg deg ah ayaana la keenay si goobta looga qaado.

Iyada oo ay ugu wacantahay dhaawacyadii gaaray iyo mudada dheer ee wiilka yar uusan helin hawo ku filan cunta iyo cabitaan toona, Rayaan waa geeriyooday.

Boqorka dalkaasi Marooko oo iclaamiyey geerida Rayaan ayaa sheegay in uu qadka taleefoonka kula hadlay Khaalid iyo Wasiimo oo ah aabaha iyo hooyada dhalay Rayaan.

Dadka isticmaala baraha bulshada oo aad ula falgalay dhacdada Rayaan ayaa geeridiisa ka tacsiiyey iyaga oo ku tilmaamay mid ka mid ah shimbiraha jannada.

Wararka U Dambeeyey

Yurub Oo Koronto La’aan Iyo Biyo La’aan Ka Cabaneysa!

XAQIIQO NEWS- WAR IYO DHAMMAANTIIS WARKA: Xilli dagaalka Yukrayn uu afar bil jirsaday, todobaadkan Putin waxaa uu jaray tubadii ugu...

Dameerkii Ugu Cod Qurxan Ayaa Guuleysanaya!

Magaalada San Andeero ee dalka Kolombiya sanad walba waxaa lagu qabtaa tartan cajiib ah oo u gaar ah "dabaaldagga...

Hadii Aad Ku Hurudo Qol Iftiin Leh..Iska Jir Halistan Caafimaad

Albaabada iska xir, daaqadaha soo laab ka hor inta aadan isku tuurin firaashka waa talada ay bixineyso daraasad cusub...

Ikhwaanu Muslimiin Arooskooda Eeyaa La Qalaa

Waxaan ku jirnaa maalmaha "Hilba waradka(ayaamu tashriiq) ee ciida weyn ee muslimiinta, aniga oo niyadda ku haaya fadliga maalmahaas...

Daawo..Mareykanka Dabaaldagii Xoriyadda Oo Toogasho Ka Bilaabatay

Muuqaalka baraha bulshada la soo dhigay waxaa lagu arkayaa dad kala cararaya meel ay ka socotay dabaaldaga maalinta xoriyadda...

Hormuud Oo Webseetyada Turkiga Xanibtay..Waa Tan Sababta

Bankiga dhexe ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in bankiyo caalami ah xarun ka furanayaan Soomaaliya, waxaana ugu weyn bankiga...