Recep Tayyib Erdoğan Oo Shacabka Turkiga Ka Codsaday In “Galmada La……”

La Wadaag Asxaabtaada

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyib Erdoğan ayaa sheegay in dalkiisu dib-u-soo-dallacsiin doono soo jeedinta ku saabsan in Danbi laga dhigo galmada, taas oo carro badan ka dhax dhalisay bulshada Turkiga.

“Waxaan u maleynayaa inay tahay waqti aad u wanaagsan oo looga hadli karo arinta sinada, mar haddii xaaladda bulshadeena ay isbedeshay iyada oo la eegayo qiyamka anshaxa,  Erdogan ayaa wariyayaasha u sheegay ka dib markii uu hadal u jeediyay baarlamaanka Talaadadii.
“Tani waa arrin aad u da ‘weyn iyo mid baahsan. Waa in laga hadlo, tani ayaa ka mid aheyd talooyinkii sharciga ee aan soo bandhignay (2004)” ayuu yiri Mr Erdogan

Waxaa uu sii raaciyey “Waqtigaas, waxaan ku tallaabsanay tallaabooyin  ay nagu dirqiyeen Midowga Yurub, laakiin waxa ay aheyd Khalad weyn. ”

Xisbiga Cadaalada iyo Horumarka (AKP) ayaa sanadkii 2004, soo bandhigay soo jeedin ah inuu dembi galiyo Sinada, iyadoo la raacayo dib u cusbooneysiin ballaaran oo sharciga Turkiga ah. Si kastaba ha ahaatee, hindisaha ayaa si weyn loo diiday Turkiga dhaxdiisa, dhanka kale Saraakiisha Midowga Yurub ayaa sheegay in qorshahaasi uu wiiqi doono dadaalka Turkiga ee ku biirista Midowga Yurub.

Erdogan ayaa sheegay in dalkiisa Ay u hogaansamaan xeerarka Midowga Yurub uu ahaa khaladaadka sii kordhaya ee u dhexeeya Ankara iyo Midowga Yurub.

FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA
La Wadaag Asxaabtaada