Robot-kani Waxaa Lagu Daweyn Doonaa Kansarka…Iqriraac Cusub#Ogow Qaabkee?

La Wadaag Asxaabtaada

Culimada ku Takhasusay maadada  Biochemistry-ga oo ka kala socda Maraykanka iyo Shiinaha ayaa awood u yeeshay inay  soo hindisaan Robot oo ay  ku sameeyaan DNA-ga, kaasi oo awood u leh in uu aqoonsado oo uu jaro unugyada quudiya kansarka.

Sida Xaqiiqonews ay ka soo tarjuntay website-ka majaladda “Nature Biotechnology”  Robbat-kani  ayaa joojinaya cuntadii gaari laheyd Unugyada Kansarka uu ku dhacay,taasi oo macnaheedu tahay in Qalabkani uu xiraayo xididdada dhiigga  u qaadi lahaa xubinta uu ku dhacay Kansarka.

Hao Yan oo ka tirsan Jaamacadda Arizona ayaa yiri  “Waxaan ka soo iqtiraacnay Robot-kani dheecanada “DNA Molecules” si uu awood ugu yeesho in uu gaaro bartilmaameedyo muhiim ah, uuna u gaarsiiyo daawooyin burooyinka kansarka ee ku dhaca jirka hoose,.”

Marka uu robot-ku taabto unugyada kansarka, dhammaadka tubada ayaa furmaysa, maaddooyinka borotiin-ka waa ay soo baxayaan, waxana ay bilaabaan inay  ka hortaggaan nafaqooyinka iyo oksijiinka inay galaan cuntada.

Robots-ka wax fal gal ah ma la sameynin jirka fiyow ee dooliyaasha tijaabada lagu sameeyey iyo xitaa xayawaano waaweyn oo tijaabada qeyb ka ahaa, taas oo macnaheedu yahay in qalabkani   uusan halis u ahayn unugyada caafimaadka qaba, sidaas darteed baarayaasha ay hadda waxa ay baranayaan sidii qalabkani loogu isicmaali lahaa daaweynta kansarka ee bini’aadam-ka

 

FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA
Like
Like Love Haha Wow Sad Angry
La Wadaag Asxaabtaada