dhacdada dhawaan dhacday ayaa aheyd in shaqada laga casilay Robot-kii ugu horeeyey oo shaqaalaha ka dib markii lagu eedeeyey in uu shaqada u gudan waayey sidii ugu habooneyd.
Wargeyska the Telegarph ee ka soo baxa ingiriiska ayaa qoray in horayba ay u jirtay cabsida laga qabay shaqa gudashada Robots-ka, waxaa uuna Wargeyska tusaale u soo qaaday Robotkan shaqada laga casilay sababo la xariira Waanooyin aan faa,ido laheyn oo uu siin jiray dadka ka dugaameysana dugaanka.
Warbxinta Telegrph oo ay soo tarjuntay shabakadda xaqiiqonews ayaa intaasi ku dareysa in Robotka uu ku fashilmay in uu dadka ku qanciyo in ay iibsadaan badeecooyinka dugaanka yaala marko loo barbardhigo bani,aadamka.
Qof caadi ah oo ka mid ah shaqaala dugaanka ayaa ku qanciyey macaamiisha in ay iibsadaan 12 badeecada oo dugaanka tiilay muddo 15 daqiiqo gudahood balse robotka ayaa ku guuleystay in uu iibiyo labo badeeco.
Maamulka dugaanka oo ka hadlaayey casilaada lagu sameeyey robot-kan ayaa sheegay in robotkan uu guuldareystay waxayna ku eedeeyeen in uu bixinaayo macluumaad guud oo loo baahneen sida “cheese-ka waxaa uu ku jira qaboojiyaha” marka ay dadka weydiyaan Aaaway Cheese-ka.