Ronaldo Oo Dardarmaay..Maxey Tahay Sirtu?

Xiddiga Rer Burtaqaal ahna weeraryahanka Kooxda Juventus ayaa qaaday tallabo kadis ah ka dib markii uu qoray warqaad dardaaran ah.


Xaqiiqonews-Ciyaaraha

Sida ay qortay jariidada “AS” ee ka soo baxda Spain , Ronaldo ayaa kulan la qaatay Qareenadiisa isaga oo kala dooday hantidiisa iyo dadka dhaxli lahaa.

34 jirkan hadii ay ku timaado geeri deg deg ah waxaa gabi ahaanba dhaxalkiisa qaadaneysa Saaxibtiis Georgina Rodriguez , waxaana laacibkani hantidiisa keydka ah lagu qiyaasay 300 Milyan oo Euro, sida Xaqiiqonews ay ka soo xigatay Website-ka RT ee Ruushka laga leeyahay.

Sidoo Kale Aqriso Wiilka Messi oo Loo Bixinaayo CR Ronaldo..Waa Tan Sababta

Rondaldo ayaa sanadkii 2016 u qaaday Jaceyl dareen leh Georgina Rodriguez , iyadoo u dhasahy wiil, sanadkii 2018-kii waxa ay baahiyeen in ay si rasmi ah isku guursadeen.

Ronaldo ayaa wiilkiisa curudka ah ka dhalay Hooyo aan la aqoonin, sidoo kale Waxa uu aabo u yahay mataano aan hooyadood la aqoon.

FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA