Rubac Milyan Dollar Oo Buq-Aqable La Geeyey..Waa Tan Sababta?

La Wadaag Asxaabtaada

Fadhi Maxkameed Alshabaab ay maamulaan, ayaa kala wareejiyey lacag kaash ah oo badan, lacagta ayaa sida wararka sheegayaan aheyd mag diyo.


Xaqiiqonews-Wararka Gudaha.

Fadhigan oo ahaa “madal kala magasho” ayaa waxaa lacag mag ah ku kala qaatay beelaha Xawaadle iyo Abgaal.

Qaadiga Alshabaab ayaa fadhiga Maxkamed ka sheegay in diyada halkii qof ay tahay lacag dhan 40,000 oo doolar isagoo sheegay in neefkii geel ahba lagu qiyaasay $400 oo doolar taasina ay tahay codsi ay beelaha isku raaceen -oo sida uu sheegay- dalbaday in geela loogu badalo lacago kaasha ah.

Sidoo Kale AqriBuq-Aqable Iyo Alshabaab Oo Isla Ciiday..Daawo Sawirro

Fadhigan ayaa ah kii ugu horeeyey abid taariikhda Alshabaab oo lagu kala wareejiyo hal mar lacago kaash ah oo sidan u fara badan.

Magaalada Buq-aqable ee gobolka Hiiraan oo ah goobta kala wareejinta ay ka dhacday ayaa hadda ah xarunta ugu weyn Alshabaab ee gobolada Dhexe oo dhan.

FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA
La Wadaag Asxaabtaada