Tiro dhan 100,000 oo ciidanka Ruushka ah ayaa jooga xadka Yukrayn, Khubarada ayaana ka digaya suurtagalnimada in daqiiqad walbo ay bilaaban karto rasaasta koowaad ee dagaalka.
XAQIIQO NEWS- WARARKA DIBADDA
Madaxweynaha Ruushka Falaadmiir Buutin ayaa horay uga hanjbay in dalkiisa uu qaadi doono wax uu ku sifeeyey “tallaabooyinka loo baahan yahay” hadii wadamada reer galbeedka ay sii wadaan waxa uu ugu yeeray ‘cadaawata ay Ruushka u haayaan’.
Afhayeen ku hadlay magaca Bentagoonka, Joon Keeri ayaa sheegay in Mareykanka u diyaarsan yahay in uu ku dhawaad 10 kun oo askari uu geeyo bariga Yurub, si looga jawaabo cabsida laga qabo hanjabaadda Ruushka.
Yuliia Laputina oo ka tirsanaan jirtay sirdoonka Yukrayn ayaa u sheegtay Sky News in wadankeeda uu diyaar u yahay difaaca weerar walbo oo Ruushka uga yimaada.
Laputina ayaa intaasi ku dartay hadii dagaal uu dhaco in uusan noqon doonin mid ku eg xaduuda Yukrayn iyada oo tiri “waa in aan xisaabta ku darsanaa bilowga dagaalkii seddexaad ee adduunka”.
Ruushka Muxuu Rabaa?
Warqad uu Ruushka u diray Mareykanka bishii diseembar waxaa ku jirtay waxyaabaha uusan Ruushka dooneynin, waxaana lambar kow ka ahaa in la joojiyo dhoolatusyada isbaheysiga NATO ay ku sameynayaan xaduudda Ruushka.
Ruushka ayaa isbaheysiga NATO ee uu Mareykanka hogaamiya ku eedeeyey in ay hub halis ah geeyeen meel ku dhow xaduuda dhuleed ee Ruushka arintaasi oo uu Ruushka u arko handadaad amni.
Falaadmiir Buutin waxa uu horay u sheegay in uu doonaayo damaanad qaad ku aadan in isbaheysiga NATO uusan sameynin siqitaan dhanka bariga ah.
Maxay Yukrayn Ruushka Muhiim ugu Tahay?
Yukrayn waxa ay ka mid aheyd midowgii Soofiyeetka ee Ruushka uu hogaamin jiray, ururkaasi oo ku burburay dhammaadka dagaalkii qaboowaa 1991-kii.
Yukrayn waxa Ruushka kala tahay deris dhinaca bari. Ruushka ma doonaya in uu arko saaxibadiis uu waayey in ay isbaheysi la noqdaan cadowgiisa, Madaxweynaha Ruushka Buutin mar uu ka hadlaayey xiriirka ka dhaxeeya Ruushka iyo Yukreen waxa uu ku qeexay “hal dad iyo hal mid”.
Inkastoo gacan ka hadalka uu u muuqda in uu yahay khiyaarka ugu dambeeya,waxaa xusida mudan in Ruushka uu Yukreen uu arka “xaniyo taabad”, isku day walbo oo galbeedka ku doonayaan in ku farageliyaan Yukraynn waxa uu u gogol xaari karaa suurtagalnimada dagaalka seddexaad aduunka.