Ciidanka Ruushka ayaa sii daayey 86 askari oo reer Yukrayn kuwaasi dagaalka lagu qabtay, arintan ayaana timid ka dib markii Yukrayn dhankeeda ay sii deysay ciidan Ruushka laga qabtay qaab maxaabiis kala badalasho ah.
XAQIIQO NEWS- WARARKA DIBADDA
Dadka la sii daayey waxaa ka mid ah 15 hablood oo reer Yukrayn ah kuwaasi oo tinta laga xiiray.
Dadka rer Yukrayn ayaa qaabka uu Ruushka ula dhaqmay maxaabiista gaar ahaan dumarka ku tilmaamay mid looga danlahaa “dulleysi”.
Dhanka kale, dadka ka ganacsada galmada iyo boobaha jirka dumarka lagu iibiyo ayaa bartilmaameed ka dhigtay dumarka Yukrayn sida lagu baahiyey warbixino la baahiyey bishii tagtay ee Maarso.
Sida ay baahisay warbaahinta Israa’iil, gudaha Israa’iil waxaa la geeyey dumar badan oo reer Yukrayn ah kuwaasi si been loo xero geliyey ka dibna si qasab ah loogu bandhigay in ay ka shaqeeyaan goobaha lagu iibiyo jirka dumarka.
Sidoo kale warar kale ayaa sheegay in dumarka Yukrayn ee Yurub u qaxay ay la kulmeen bandhigyo ku aadan in ay galmo sameeyaan iyaga oo ku badalanaya lacago.