Ruushka Oo Isbadal Ku Sameeyey Khariidada Yurub

-

Madaxweynaha Ruushka Putin ayaa hadal uu telifishinka ka jeediyey ku sheegay in Ruushka uu goobo madax banaan u aqoonsaday deegaanada gooni u goosadka ah ee Downetsik iyo Luuhaansak.


XAQIIQO NEWS- WARARKA DIBADDA

Madaxweynaha Ruushka Putin ayaa saxiixay Dekreeto uu Donetsak iyo Luhaansak ugu aqoonsaday meelo madax banaan.

Gobolada Donetsak iyo Luhaansak ayaa ah goobo gooni u goosad ah kuwaasi oo QM ay u aqoonsantahay qeyb ka mid ah Yukreyn.

Go’aanka cusub waxaa xigay dhaqaaq dag dag ah oo ciidamada Ruushka ay ku galeen qaar ka mid ah goobaha Putin uu ku tilmaamay degaano ku hoos nool gumeysi.

Putin oo hadalo kulul adeegsaday ayaa Yukreyn ugu yeeray dowlad kali talis ah oo gumeysata dadka asalkooda Ruushka yahay ee ku nool gobolka Downetsak iyo Luhaansak oo ka tirsan Donus.

Mareykanka, Faransiisak, Ayrlandh iyo Jarmalka ayaa golaha ammaankaka dalbaday fadhi dagdag ah oo laga yeesho xaaladda adag ee ka taagan Downetsak iyo Luhaansak.

Wakiilka Mareykanka u qaabilsan golaha ammaanka Linda Thomas-Greenfield ayaa tiri “Weerarka uu Ruushku ku qaaday Yukrayn waxaa u jebinayaa xeerarka caalamiga ah, Moskow ayaana qaadeysa mas’uuliyadda wixii ka dhasha”.

Waxa ay carrabka ku adkeysay in Mareykanka uu Ruushka saari doono cunuqabeteyn dheeri ah si Mooskow loogu cadaadiyo u hogaansamidda xeerarka caalamiga ah”.

Dhankiisa wakiilka Jarmalka u fadhiya golaha ammaanka ayaa ugu baaqay Ruushka in uu ka baxo xaduudda Yukrayn isaga oo sheegay in Ruushka uu cabsi gelin ku haayo madax banaanida Yurub

Dhanka kalase, wakiilka Ruushka u fadhiya golaha amaanka ee QM ninka lagu magacaabo Vasily Nebenzya ayaa goor hore oo isniinta ah shaaciyey in dalkiisa uu u furanyahay diblomaasiyadda laakiin waxa uu farta ku fiiqay in lagama maarmaan tahay difaacidda dadka gooni u goosadka ee Yukreyn ay ku xadgudubto- sida uu hadalka u dhigay.

Wararka U Dambeeyey

Yurub Oo Koronto La’aan Iyo Biyo La’aan Ka Cabaneysa!

XAQIIQO NEWS- WAR IYO DHAMMAANTIIS WARKA: Xilli dagaalka Yukrayn uu afar bil jirsaday, todobaadkan Putin waxaa uu jaray tubadii ugu...

Dameerkii Ugu Cod Qurxan Ayaa Guuleysanaya!

Magaalada San Andeero ee dalka Kolombiya sanad walba waxaa lagu qabtaa tartan cajiib ah oo u gaar ah "dabaaldagga...

Hadii Aad Ku Hurudo Qol Iftiin Leh..Iska Jir Halistan Caafimaad

Albaabada iska xir, daaqadaha soo laab ka hor inta aadan isku tuurin firaashka waa talada ay bixineyso daraasad cusub...

Ikhwaanu Muslimiin Arooskooda Eeyaa La Qalaa

Waxaan ku jirnaa maalmaha "Hilba waradka(ayaamu tashriiq) ee ciida weyn ee muslimiinta, aniga oo niyadda ku haaya fadliga maalmahaas...

Daawo..Mareykanka Dabaaldagii Xoriyadda Oo Toogasho Ka Bilaabatay

Muuqaalka baraha bulshada la soo dhigay waxaa lagu arkayaa dad kala cararaya meel ay ka socotay dabaaldaga maalinta xoriyadda...

Hormuud Oo Webseetyada Turkiga Xanibtay..Waa Tan Sababta

Bankiga dhexe ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in bankiyo caalami ah xarun ka furanayaan Soomaaliya, waxaana ugu weyn bankiga...