Ruushka Oo Sheegay In 30 Daqiiqo Kaliya U Baahanyahay Si Uu U Burburiyo Dowladaha NATO!

-

Maamulaha wakaaladda hawada sare u qaabilsan Ruushka ninka lagu magacaabo Dmitry Rogozin ayaa sheegay in dalkiisa u baahanyahay oo kaliya 30 daqiiqo si uu u burburiyo dhammaan dowlaha xubinta ka ah NATO,hadii dagaal nukliyeer ka qarxo labada dhinac.


XAQIIQO NEWS- WARARKA DIBADDA

Dmitry Rogozin ayaa kanaalkiisa uu ku leeyahay barta Telegaraamka ku yiri “dagaal nukliyeer hadii uu uu bilowdo, waxaan ku burburin doonaa dowladaha NATO 30 daqiiqo gudahooda. Hase ahaatee waxaa fiican in aan ka fogaano arintaas maxaa yeelay jawaab celinta iyo dagaalka nukliyeerka waxa uu saameyn ku yeelanayaa meeraha aynu ku noolnahay sidaa darteed waxa aan ku qasbanahay in aan cadawgeena kaga guuleysano annaga oo adeegsaneyna habkii dagaalada taqliidiga ahaa”.

Waxa uu intaasi ku daray “‘Waxa aan la dagaalameyno ma ahan Naaziyiinta,waxa aan dooneyno waa in aan gummeysiga NATO ka xureyno Yukrayn, sidoo kalana aan cadowgeena ka fogeyno xaduudaheena galbeed”.

Rogozin ayaa ka digay jiritaanka dowlad madax banaan oo Yukrayn yeelato in ay ka dhigantahay dowlad cadaw la ah Ruushka, ayna noqon karta wadadii reer Galbeedka Ruushka uga soo duuli lahaayeen.

Waxa uu sheegay in Guul uu Ruushka ka gaaro dagaalka Yukrayn ay ku xirnaan doonto iska duubnida dhammaan shacabka, askarta iyo warshadaha difaaca Ruushka oo u midooba dagaalka.

Dhanka kale, Ruushka ayaa u dabaal daga maanta oo kale 9-ka May sanad walbo maalin ay ugu magac dareen “maalinta guusha” taasi oo soo bilaabaty markii midowgii Soofiyeetka uu jebiyey ciidankii Naaziyiinta Jarmalka dagaalkii labaad adduunka.

Xuska 77aad ee maalinta guusha oo sanadkani dhacay xilli Ruushka uu dagaal kula jira waddanka deriska la ah ee Yukrayn ayaa waxaa dabaal dagga qeyb ka ahaa ciidamo gaaray ilaa 11 kun oo askari, waxaa kale oo dabaal degga qeyb ka ahaa gaadiid iyo qalabka milatariga isticmaalaan oo gaaraya ilaa 131 shay, hase ahaatee waxaa sanadkani gabi ahaanba meesha ka maqnaa qalabkii cirka gaar ahaan diyaaraaha oo ay ku jirto diyaaradii qiyaamaha oo sida la sheegay loo baajiyey sababo la xariira cimilada oo xumeyd.

Wararka U Dambeeyey

Yurub Oo Koronto La’aan Iyo Biyo La’aan Ka Cabaneysa!

XAQIIQO NEWS- WAR IYO DHAMMAANTIIS WARKA: Xilli dagaalka Yukrayn uu afar bil jirsaday, todobaadkan Putin waxaa uu jaray tubadii ugu...

Dameerkii Ugu Cod Qurxan Ayaa Guuleysanaya!

Magaalada San Andeero ee dalka Kolombiya sanad walba waxaa lagu qabtaa tartan cajiib ah oo u gaar ah "dabaaldagga...

Hadii Aad Ku Hurudo Qol Iftiin Leh..Iska Jir Halistan Caafimaad

Albaabada iska xir, daaqadaha soo laab ka hor inta aadan isku tuurin firaashka waa talada ay bixineyso daraasad cusub...

Ikhwaanu Muslimiin Arooskooda Eeyaa La Qalaa

Waxaan ku jirnaa maalmaha "Hilba waradka(ayaamu tashriiq) ee ciida weyn ee muslimiinta, aniga oo niyadda ku haaya fadliga maalmahaas...

Daawo..Mareykanka Dabaaldagii Xoriyadda Oo Toogasho Ka Bilaabatay

Muuqaalka baraha bulshada la soo dhigay waxaa lagu arkayaa dad kala cararaya meel ay ka socotay dabaaldaga maalinta xoriyadda...

Hormuud Oo Webseetyada Turkiga Xanibtay..Waa Tan Sababta

Bankiga dhexe ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in bankiyo caalami ah xarun ka furanayaan Soomaaliya, waxaana ugu weyn bankiga...