Ra’iisal wasaaraha Israa’iil Naftaali Biniit ayaa niyad xumo ka muujiyey mustaqbalka Yahuudda,waqti dalkaasi uu wajahaayo kala qeybsanaan baahsan oo u dhaxeysa kooxaha siyaasadeed.
XAQIIQO NEWS- WARAR GUDAHA
Biniit ayaa jimcadii tagtay fariin uu kaga hadlaayey sanad guurradii ka soo wareegtay xukuumadiisa ku yiri “Israa’iil waxa ay hortgaan tahay imtixaan dhab ah, waxaana mareynaa xaalad aan horay loo arag oo ku dhaw burbur, waxaan wajaheynaa iskgoys taariikheed.”
Waxa uu ku sifeeyey Ra’iisal wasaarihii ka horeeyey Binyamiin Netanyaahu iyo mucaaradka in ay yihiin “sun iyo fowdo”.
Biniit oo fariin dheer kaga hadlay xaaladda adag ee Israa’iil ay mareyso ayaa codsi u diray dad uu ugu yeeray “aqlabiyadda aamusan” kuwaasi oo uu ku dalbaday in ay taageeraan dowladiisa.
Ra’iisal wasaarihii hore ee yahuudda Ehuud Baarak ayaa todobaadyo ka hor bixiyey digniin ku saabsan halis uu sheegay in ay ku hareereysantahay jiritaanka Israa’iil.
Baarak waxa uu shegay in Yahuudda ay halis ku jirto marka la fiiriyo gantaalaha ay heystaan kooxo uu ku tilmaamay “argigixiso”,isaga oo tusaale u soo qaatay ururka Falastiiniyiinta ee Xamaas iyo ururka Xisbulaahi ee ka dhisan Lubnaan.
Ehuud Baarak oo wareysi siiyey wargeys Israa’iil laga leeyahay ayaa carrab dhabay in jiritaanka Yahuudda uu wajahaayo halis dhab oo ah kala qeybsanaanta gudaha isaga oo xaaladda halkaasi ka taagan ku sharxay “mid ka sii dareysa sanadba sanadka ka dambeeya.”