R/wasaare kheyre oo sida arday camal u la dhaqmay wasiirada iyo wasiirro xanaaqay

-

Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa amarro cusub ku soo rogay golaha wasiirada Soomaaliya, isagoo kulamadii ugu horeeyay isku dayay inuu dhaqan cusub u yeelo wasiirada.

Tallaabooyinka adag ee Ra’iisal wasaaraha la yimid ayaa waxaa ka mida

1- In la ilaaliyo xilliga shirka la galeyo, wasiirkii soo daahana uu dib u noqon doono

2- In aan shirka dhexdiisa telefoon lagu hadli karin, qofkii telefoon ka muhiimsan shirka doonayana uu bannaanka ula baxo.

3- Inaan hadalka lagu dheeraan oo si kooban loo hadlo.

Arrimahan oo ka mida kuwa ugu sahlan ee qof mas’uul ah looga baahnaa inaan loo sheegin ama lagu amrin ayaa dhibaato ka dhex dhaliyay shirarka Golaha Wasiirada oo intii la ansixiyay markii labaad maanta qabsoomaya.

Wasiirada Soomaaliya ayaa hore u caadeysay dhaqanno aan wanaagsaneyn oo ay ugu horeyso in shirarkoodu bilowdaan duhurnimada iyo in wasiir waliba xiligi uu doono yimaado kunam mashquulo telefoonkisa inta shirku socdo.

Mid ka mid wasiirada cusub ayaa ka carootay markii Ra’iisal wasaaruhu ka dalbaday inay hadalka soo gaabiso, iyadoo ku dooday inay xadgudub lagu sameeyay, waxaana Ra’iisal wasaare Kheyre oo bartay shaqaale toosan oo hay’ad NGO ah u shaqeeya sugaya inuu la tacaalo odayaal iyo haween mas’uuliyiin ah oo mas’uuliyiin oo doonaya in la baro nidaam ay ahayd inay dugsiyada hoose ku soo bartaan.
[google_ad data_ad_slot=” data_ad_format=’auto’]

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!

Wararka U Dambeeyey

Muuqaal..Maxay Rakaabkan Diyaaradda U Riixayaan?

Muuqaal ka mid ah kuwa ugu cajiibsan, dalka Nepal waxaa baraha bulshada lagu baahiyey diyaarad ay rakaabka dabada ka...

Hadii Aad Aragto Riyooyinkan..Dhaqso Dhaqtar U Tag

Khubarro ka tirsan xarunta "Sleep cycle center" ee fadhigeedu yahay gobolka Teksas ee Mareykanka ayaa sheegay in riyada ay...

Dilka Shacabka Oo Lagu Tartamaayo!

Rasaasta ciidanka Df-ka ayaa dishay 3 qof oo shacab ah gudaha magaalada Muqdisho, halka gantaal hoobiye ah oo ...

Imisa Qof Oo Soomaali Ah Ayaa Hub Heysta?

Hubka saxda ee gacanta uga jira muwaadiniinta Soomaaliya waa mid aan la aqoon, hase ahaate warbixin lagu qoray webseetka...

Internetka Aduunka Oo Halis Ugu Jira In Uu Joogsado Sababtan Darteed

Saynisyahanada ayaa ka digaya cillad guud oo ku timaado internetka aduunka iyaga oo sababtuna ku qeexaya nidaamka cadceedda oo...

Mooska Miyuu Noqon Karaa Halis Caafimaad!

Labo saynisyahan oo ka tirsan jaamacadda Beihang University Jian Saotian iyo Liao Jie,ayaa shaaca ka qaaday halis caafimaad oo...