5 Astaan Oo Muujineysa In Biya Cabkaada Uu Xad Dhaaf Yahay

-

Dad Badan ayaa aaminsan in marka ay sii badato biya cabka qofka uu sii siyaado caafimaadka, balse saynisyahanadani waxa ay na leeyihiin biya cabka xad dhaafka waxa uu dhibayaa caafimaadka.


Xaqiiqonews-Caafimaad

Morgan Sat oo ah qabiir ku takhasusay badqabka iyo caafimaadka waxa uu dadka siinayaa digniin lala yaabo isaga oo leh “Hadii qofka uu cabo wax ka badan 4 koob oo biyo ah saacaddii, waxa ay keeneysaa hoos u dhac ku yimaada Sodium-ka dhiigga”.

Qeybta hoose waxa aan idinku soo gudbineynaa 5 astaan oo muujineysa in aad cabto biya ka badan inta aad u baahantahay.

In aad beegsato dhowr Liitar Oo Biyo ah

Ma ogtahay in cuntada xitaa ay ku jiraan biyo? sidaa darteed uma baahnid in aad naftaada ku qasabto in maalin walbo aad cabto 3 ama 4 litar oo biyo ah.

Sidoo Kale Aqri Halkan Sabab Awgeed Ha Isku Cabin Biyaha Roobka

Kaadi Badan

Sida la wada ogyahay kaadida waxa ay jirka ka saartaa sunta, laakin hadii kaadidaada ay badato waa arin aan wanaagsaneyn,dhaqaatiirtu waxa ay dadka kula taliyaan in qofka uu iska yareeyo biyaha badan hadii todobo mar ka badan uu u baahdo musqusha.

Midabka Kaadida

Midabka kaadida caafimaadka qabta waa “Jaalle furan”, kaadida caafimaadka qabta ma ahan nooca qafiifka ah ee ka dhasha biyaha badan ee qofka uu cabo,waxaa kale oo muhiim in la ogaado in midabka kaadida ee ah “jaalle buuxa” iyaduna in ay tahay calaamad muujineysa caafimaad darro.

Daal

Marka kiliyaha ay ku mashquulsiyihiin kala saarisata biyaha aad cabtay, taasi waxa ay keeneysaa daal iyo neeftuur badan oo qofka uu dareemo, arinkaasi oo ka dhasha biya badan ee qofka uu cabo.

Faruuryaha oo barara

Biya cabka xad dhaafka ah, waxa uu sababi karaa barar ku yimaado faruuryaha, gacmaha, taasina waxa ay daliil u tahay in kiliyuhu aysan si fiican u shaqeeneynin, si taasi la mid ah biyaha cabka ayaa sabab miisaanka qofka oo bata.

Wararka U Dambeeyey

Imisa Qof Oo Soomaali Ah Ayaa Hub Heysta?

Hubka saxda ee gacanta uga jira muwaadiniinta Soomaaliya waa mid aan la aqoon, hase ahaate warbixin lagu qoray webseetka...

Internetka Aduunka Oo Halis Ugu Jira In Uu Joogsado Sababtan Darteed

Saynisyahanada ayaa ka digaya cillad guud oo ku timaado internetka aduunka iyaga oo sababtuna ku qeexaya nidaamka cadceedda oo...

Mooska Miyuu Noqon Karaa Halis Caafimaad!

Labo saynisyahan oo ka tirsan jaamacadda Beihang University Jian Saotian iyo Liao Jie,ayaa shaaca ka qaaday halis caafimaad oo...

Dagaalkii Qoriga Ee Farmaajo Iyo Mucaaradka Miyuu Soo Dhowyahay?

XAQIIQO NEWS- WAR IYO DHAMMAANTIIS WARKA:Todobaadkan Midowga Musharixiinta ayaa soo saaray digniin ku aadan habsami u socodka doorashada oo ay...

NASA Oo Dooneysa In Ay Kowkab Qarxiso..Dhagaxii Qiyaamaha Miyaa Soo Dhow?

NASA ayaa isku diyaarineysa in ay markab-xiddigeed si kas ah ugu dhufato kowkab, si tababar ahaan ah, iyada oo...

Ma Wanaagsantahay In Aad Mar Walbo Ahaato Qof Wanaagsan?

Dadka badankood waa ay ku jeclaan doonaan marka aad tahay "qof wanaagsan" laakiin xisaabta ku darsa mararka qaar in...