Saacadda Qiyaame Oo Dhaw… Usha Saacadda Oo Horay U Siqday !

La Wadaag Asxaabtaada

Waxaa loogu yeero “Saqda Dhexe Ee Habeenka Nukliyeerka” ayaa qarka u saaran in uu bilowdo.

Xaqiiqonews-Saynis

Sida uu baahiyey website-ka “The Bulletin of the Atomic Scientists”  Culimada wali waxba kama badalin “Waqtiga saacadda qiyaame” wili waqtiga waxaa uu tilmaamayaa 23:58, labo daqiiqo oo kaliya ayaana harsan.

Rachel Brunson oo ah madaxa tafatirka website-ka ayaa tiri “Xaaladda hadda uu aduunka ku jiro laguma tilmaami karo xaalas deganaasho, waxaana la jooga xilli digniin oo ay  tahay in dhamaan shacabka aduun weynaha ay ogaadaan”.

Dadka ka qeyb qaadanaya in ay socosiiyaan “Saacadda Qiyaame” waxaa ka mid ah 15 nin oo sida la sheegay heysta abaal marinta Nopel Prizie, iyaga oo mar walbo qeyb ka ah hanjabaadda weerarada Nukliyeerka ee la filan karo mar walbo.

Waxaa xusid mudan in usha saacadda qiyaame ay horay u dhaqaaqday hal mar sanadkii tagay 2018-ka, waxaana saacadda ay horay u siqday qiyaas dhan 18 ilbiriqsi, sababtuna waxa ay aheyd tijaabooyinkii Nukliyeerka ee ay sameysay Kuuriyada waqooyi iyo hanjabaadihii ay is dhaafsadeen Trump Iyo Kim.

FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA
La Wadaag Asxaabtaada