Saacadda Qiyaame Oo Soo Dhawaatay Iyo NASA oo leh Welwel Ma jiro.

La Wadaag Asxaabtaada

Waxaa sii badanaya kawaakibta  yar yar ee ku soo daadanaya dhulka, hase yeeshe NASA waxa ay leedahay ma jiro welwel.

Xaqiiqonews-Xiddigiska.

Cilmi baaris ay sameysay wakaaladda Mareykanka u qaabilsan xiddigiska ee marka magaceeda la soo gaabiyo loo yaqaan “NASA”  ayaa lagu sheegay in kawaakibta yar yar ee ku soo dhacaya dhulka ay bateen 290-milyan kii sano ee ugu dambeysay.

Baarayaasha ayaa dabagal ku sameeyey 38 af oo ku sameysan dayaxa korkiisa, taasi oo  lagu ogaaday in 9 ka mid ah oo kaliya uu cimrigooda ka weyn yahay 290 milyan oo sano, halka ee 29 kale ay yihiin kuwa ka yar 290 milyan oo sano.

Waxaa la sheegaa in kowkab yar oo ballaciisa la egyahay 20 Mitir uu ku soo dhacay dhulka gaar aahan qeyb ka tirsan ruushka sanadkii 2013.

dhanka kale culmida NASA ayaa qiyaasaya in Kowkabka loo yaqaana  “Kowkabka Qiyaamaha” uu soo gaari doono dhulka sanadka 2068

FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA
La Wadaag Asxaabtaada