Sababtan Darteed..Ha Isku Darin Liin Iyo Shaah Kulul

La Wadaag Asxaabtaada

Dhaqtarka reer Masar Hani El Nazer, oo ah la taliye ku takhasusay cudurada maqaarka, horeyna u ahaa madaxii xarunta cilmi baarista Masar ayaa ka digay liinta oo lagu daro cabitaanada kulul.


XAQIIQO NEWS- CAAFIMAAD

Boggiisa Facebook ayuu soo dhigay isaga oo leh “liin dhanaanta oo iyada oo diiran la cunaa, ama liinta oo lagu darsadaa cabitaan kulul waa khalad caan ah oo ay dad badani sameeyaan”.

Al Nazer ayaa intaasi ku daray in jirto daraasad la sameeyey oo tilmaameysa liin dhanaanta marka la kululeeyo in ay lumineysi Fitamiinka ku jira ee “c” kaasi oo aan u dul qaadan karin heerka kulka sare, sidaa darteed liinta noocaasi ah waxa ay noqotaa mid aan laheyn wax muhiimad caafimaad ah.

Sidoo Kale Aqri: Faa’idooyin Aadan Maleysan Karin Oo Liintu Ay Leedahay

Waxa uu hadalkiisa ku soo gabagabeeyey: liinta iyada oo cusub cuna, ka dhaafa cabitaanada kulul, si aad u heshaan fitamiin C, fitimiinkaasi oo kor u qaadaya difaaca jirka ee ka hortagga cudurada oo uu Karoonaha ka mid yahay.

Dhacdo arintaasi la xariirta, daraasad saynis oo la sameeyey ayaa sharaxday faa’ido aan la maleysan karin oo ay liintu leedahay, daraasadda ayaan tiri: carafta liintu waxa ay dadka ka saacidaa in ay dareemaan “fudeyd” iyo raali ahaansho nafeed.

FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA
La Wadaag Asxaabtaada